MUUSE BIIXOOW MACNE YARE

BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM

Daawo Khudbadii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo fariin u diray Maamulka Puntland iyo khudbadisii lagu soo doortay mar labaad.

Asalamu calaykum
Qofku hadaanu mabda lahayn wixiisuna caadifad iyo laab la kac ku dhisan yihiin waa mishkilad. Marka uu qofku hadaf leeyahay waxay siisaa hal adayg mana baala daymoodo ilaa uu halkuu rabo gaadho, hadii kalena wixiisu waxay noqonayaan nin buka boqol u talisay sida Muuse Biixi
Siyaasiga rasmiga ahi wuxuu leeyahay calaamad, sumadiisuna waa inuu taagerayaashiisa ku hogaamiyo waxay doonayaan oo uu reerka gurigii loo sahamiyey ee la isku raacay furaa
Siyaasi is moodkana asna waxaa lagu gartaa wuxuu asagu doonaayo ayuu taageerayaashiisa damcaa inuu ku hogaamiyo sidaas darteed subaxna galbeed buu u raraa cishada xigtana bari sida Muuse Biixi Cabdi
Muuse wuxuu yidhi gudaha Kulmiye ayaan ka tartamayaa oo aan musharax madaweyne inaan ku soo baxo ku loolamayaa qaladna may ahayn, dad badan oo aan odhan karo waa majooratigii taageerayaashii xisbiguna way ku raaceen, kolkaas inuu ka dhabeeyo oo haduu ku guulaystana lagu garab galo haduu ku guuldaraystana uu cidii ka hesha ku gacan qaado ayuun baa la sugaayey
Waa maxay ganacsataa ila hadashay? Meesha ma badeecad baa lagu kala iibsanaayey! kkkkk. Kaaga daranee go`aankii guurtida ee ay taageerayaashiisu sida fiinta uuga qayliyeen ayuu maanta taageeray oo yidhi sax buu ahaa oo kaaas bay tana daba socotaa!
Hadaba Muusoow, ama sida raga u dhimo oo halka itaal ku dhigo ku dhac ama dee anaga habeenkiina shaani ha noo qarxin maalintiina waan tanaasulay hana odhanee dhegaha nooga bax adeer.
Waxan aad leedahay waan ka tanaasulay rag baa ku xidhan oo jeel u galay , oo qoysas baa lagu miray oo rasaas lala dhacay, oo dar kalaa shaqadoodii ku waayey oo wasiiro ahaa. Intaas oo dhamina waxay isku raacsanaayeen inaad si sharaf leh u tartantid.
Shirkan jaraa`id ee aad qabatay iyo waxan aad is leedahay sharax waa nonsense! Way muuqataa oo wejigaaga ayay ku qoran tahay in dhulka lagula dhacay oo aad dhaawac tahay! Tan siyaasad ah ku saaqiday oo waad fashilantay. Kulmiyena horaad u ceebaysay oo midnimadoodii u wiiqday, maantana intii kale ee ku raacday ayaad hankoodii iibsatay ee inta aad xadhig qaadatid orodoo geed iska soo laalaaadi, bloody fool-yahoow
Madaxweyne Siilaanyana waxaan leeyahay well done mr president, Alleylehe askarigii qab qablaha ahaa duruus lama ilaawaan ah baad u dhigtay. Imikana kab iyo xaarkeed waa la isku tuuraa ee hadaba xisbigana debeda ka dhig, dabeetana waxaad ku tidhaahdaa, anigoon ku diran waadigii damaca waalaaye, day dayo hadaan kuu fasaxay dibad wareegiiye!
Bashe Qulumbe, UK