Ninkii doonaya madaxwaynaha Somalilandaw waa kaa business kaadhkiisi.

Ninkii doonaya madaxwaynaha Somalilandaw waa kaa business kaadhkiisi.

2

Tan iyo intii dawalada madaxwayne Siranyo maamulka dalKa hantiyay,  ayaa dhawaaq isdaba joog ahi ka soo yeedhayay bulsho waynta Somaliland oo ay isla markiiba  u cadaatay inuu dalka gacanta u galay caruur iyo dumar oo haba yaraate madaxwayhinii  la doortay aan talo gacanta ugu jirin.

Waxa si gaar ah loo tilmaamay wasiir xirsi oo u keenay dhiigshil oo dhamaan awoodii wasaaradaha gacanta ku dhigay, waxa sidoo kale soo baxay ninkan maanta magaca madaxwaynaha ku dhajistay business kaadhkiisa oo la yidhaa Mr Baashi oo nasiib u yeeshay inay Amina waris noqoto sodohdii.

1

Ugu horaynta horta dadka maamulkan ku taageeraa sifo qabiil ayaanu ugu quusgoynaynaa in dhawaaqa ummada ka soo yeedhaa u dhab yahay oo cid kale maanta awoodii madaxwaynaha ku shaqaysanayo isagoo aan arintaa waxba kala socon. Marnaba madaxwaynaha la doortay ciddi beel kuma diidana sida ay u dhigaan taageerayaashiisa aan kala hadhin, hase ahaate shacabka reer Somaliland  ay ku dhawaaqayaan in madaxwayhinii aynu doornay meesha kama maqan yahay oo ay tahay in  dalka laga badbaadiyo  dadkan aan aqoon dawaladeed iyo mid cilmiyeedba lahayn oo sidaasi ku wada jirto danteena guud kol haddii aynu doon wada saaranahay doon mid ah.

Waxan jecelahay  inaan cadeeyo inaanay jirin  marka hore xeer ama qaanuun u diidaya inuu baashe ka shaqo galo madaxtooyada waa haddii shaqo loo magacaabo waxay doontaba ha noqotee. Hase ahaate aynaan meelna ku arag digriito madaxwayhunu xilli saqbadh ah soo saaray oo u jago ugu magacaabay.

Haddaba waxa aynu ka wada dharagsanahay in aanay jirin meel shacabka Somaliland ku ogyihiin xil loo magacaabay iskadaa mid madaxwayne. Sida maanta ku cad kaadhkan aanu soo bandhigayno ka muuqato haba yaraate xil ku qoran aan ahayn xafiiska madaxtooyada oo loo fahmi karo inuu isaguba yahay madaxwaynihii dalka u sito magaciisa.

Waa kuma Baashe?

Mr Baashe waa nin qurba joog ahaa muddo ka badan dhawr iyo laabatan sano. Waxa u degaanan jiray  dalka ingiriiska ka hor intii aan sodogii madaxwayne noqon. Mr Baashe aqoon sidaa u sii ridan kalamuu iman dalka UK  intii u  joogay, waxa shaqo oo magac leh oo la tilmami karana kamuusan qaban, hadii laga tagi waayo waxa u ahaan jiray dadka heesaha jecel ee isku daya inay heesaan hase ahaate aan haybad cod ilaahay ku galadaysan waa abwaanada loo yaqaan (amateur) oo aan mid xirfadeed gaadhin.

Isagoo xaalkiisu sidaa yahay ayuu mar kaliya ku baraarugay in odaygii sodogii madaxwayne ka noqday Somaliland. Isagoo aan hore xattaa loogu dhex arki jirin xisbiga kulmiye ayaan goor aan habeen iyo maalin ahyn ka soo duulay dalkii u intaa ku ragaaday oo mudh ka soo dhex yidhi madaxtooyadii.

Waxa maanta lagu tirayaa ninkii faro madhnida kaga yimid dalka UK inuu leeyahay hanti laxaad leh oo ah sida laga wada warqabo ku leeyahay dalka KENYA iyo UK, iyada tirada ha ku darsan hantida dalka ee xisaab la’aanta. Waxaa intaa dheer inuu dadki ay qaraabada ahaayeen (CIMRAN) ka soo wada cadeeyay wixii guryo ay ka qaateen (mortgage)dalka ingiriiska sida ka ku yaala Manchester ee inaadeerkii leeyahay sidoo kalena uga iibiyay guryo kale dalka KENYA.

 

Xeer ahaan

Waxaan kaadhkan u  bandhigay madax ka tirsan ururkan aduunka ee loo yaqaan (international transparency). Waxa u ii cadeeyay in arinta qaanuun ahaan ay khalad tahay haddii aanu ahayn madaxwaynihii dalka waxa ku tilmamay waxa lagu yidhaa (misleading iyo sidoo kale ay tahay (act of deceiving). Waxaanu ku cabir inuu yahay fal khiyaamo oo lagu marin habaabin karo dad badan laguna gaadhi karo dano gaar iyadoo la isticmaalayo kaadhkan.

Baaq

Waxaynu dhamaanteen si fiican ugu dharagsanahay in ninkan kaadhkan samaystay isagoo xilka sodogii isticmaalaya inuu ku fushaday mashaariic badan oo ayna ugu danbayn heeshiisyada kala duwanaa ee u la soo galay shirkadaha aduunka haddii ay noqoto kuwa shidaalka iyo macdanta ama kuwa nabad sugida oo la wada ogyahay inuu isagu leeyahay shirkadan ilaalisa madaarka Hargeysa . Haddaba waxaan baaq u dirayaa ugu horayn mudane Cabdillahi Cirro oo ah ninka loo igmaday ilaalinta iyo  sharci dajinta xeerarka inuu madaxtooyada iyo wasiirka ka masuulka sida ugu dhakhsaha badan loo horkeeno baarlamaanka oo ay ka jawaabaan cidda u igmatay ee u ogolaatay in xilkii madaxwaynhaa wiil kani ku qadhaabto iyo ciddii u ogolaatay ku kaca falkan iyadoo aynu wada ogsoonahay inaanu haddii aan madaxtooyadu oo ay hormood ka tahay hooyadii Amina waris iyo xirsi aanu samaysteen iyo sidoo kale qaateen xilkii madaxwaynaha , waxaan sidoo kale baaq u jeedinayaa dhamaan hay’adaha sharci ilaalinta kuwa garsoorka inay hawshooda ka soo baxaan oo la ogaado inay sharci darro tahay dhamaan hantida  magaca dalka ee ninkaasi ku soo qaatay isagoo si khiyaamo u adeegsanayay xilkii sodogii oo si dhakhso ah looga xayuubi wixii hanti qaran ee u lunsaday ama mar ay noqotaba la horkeeno maxkamada si ugu jawaabo sifadu iyo sida u kukeenay hantidan.

Xasuusin

Waxaan jecelahay inaan xasuusiyo hooyaday Amina Waris in xanuunka iyo caafimaadkaba ilaahay keeno. Maanta haddii ilaahay xanuun ku keenay saygeedii oo haya xilka u saraysa dalkan Somaliland oo aanu wax badan kala socon wax ka dhacaya xafiiskiisa, waxaa sharaf darro ah inaad ilaalin waydo waajibkii u kaa mudnaa ee ahayd  sumcadiisa iyo inuu taariikh ka tago. Waxa ayaan darro ah inaad ka doorbido hanti urursi booli qaran oo aad siinayso tarankaagii . Maanta waad ogtahay wiilka aad sodohda u tahay inaanu xil ka hayn dawladan. Hantida qaran ee aad ubadkaaga quudinaysaa ay tahay xaaran. Aakhiro way kaa danbaysaa kuna cibro qaado dadkii kaa horeeyay ee hantida ummada ka urursaday halkay ku danbeeyay. Aaway moobutu seeso seeko, boqor bokosaa, qadaafi, siyaad barre, xusni mubaarik iyo jaawjesko.

Waad ogtahay in qoyskii  guranyo booli qaran ee maanta ayaad nooshihiine u celiya ummada xoolahooga oo  sharaf iyo maamuus ku dhamaysta xilka inta aad haysaan . allahuma hal ballaqt

cumarcali

Waxaan ugu baaqayaa gudoomiyahay Baarlamanka Somaliland oo ah madax sharci dejinta dalkan Somaliland inuu si dhakhsaha.

cumarcali2@gmail.com

Cumar Cali

 

Â