Odayaal-Dhaqameed Madaxtooyadu Dabada Ka Wadday Oo Feedh Iyo Harraati lagaga Dareeriyey Madal ay shirk u qabsan lahaayeen

image

Hargeysa:June,11,2014(SM)-Odayaal-dhaqameed ka soo jeeda Beelaha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa oo madaxtooyadu u soo abaabushay inay taageero u muujiyaan, ayaa ku dhamaaday Guul darro.
Madashan ooh ore looga sii shaqeeyey, isla-markaana lacago tiro dhaaf ah ay mu bixisay madaxtooyadu, ayaa waxa daqiiqado ka hor intii ay bilaambi lahayd Goobta soo galay Dhallinyaro cadhaysan oo ka soo horjeedda Odayaasha waji-ku-macaashka magacooda ku dilayaa, waxana ay si xoog ah kaga dareeriyeen Goobtii.
Odayaasha ayaa intooda badani markii hore u hoggaansameen amarka dhallinyarada, waxase xubno ka mid ahi ay diideen inay Goobta ka dareenaan, iyadoo taasina sababtay in gacanta loola tago kuwoodii dhaqaaqi waayey.
Khasaare badani goobta kama dhicin, waxana goobjoog ahayd saxaafadda Madaxa Bannaan oo duubtay dhamaan wixii meesha ka dhacay, iyadoo feedh iyo harraati lala dhacay qaar ka mid ah Odayaasha oo ku adkaystay inay goobta ka Hadli doonaan.
Madaxtooyada ayaa beryahan dambeba ku Hawllanayd Shirar doceedyo beelaysan oo ay ku bixinaysay Lacago Tiro Badan, waxana hore taageero beelaysan u muujiyey Oday-dhaqameedyo aan bulshada dhexdeeda ku lahayn taageero Muuqata.

Salaanmedia/Hargaysa

qurbajoog