Ogaysiis:- Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID Ee Ku Dhaqan Gobolka Washington State Iyo Nawaaxigiisa Inay Kasoo Qayb Galaan Shirweyne Balaadhan Oo Lagu Qabanayo Magaalada Seattle


image

 

 

 

 

 

 

Ogaysiis:- Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID Ee Ku Dhaqan Gobolka Washington State Iyo Nawaaxigiisa Inay Kasoo Qayb Galaan Shirweyne Balaadhan Oo Lagu Qabanayo Magaalada Seattle Salaasa, Jun 17, 2014 Hargeysa(SM)-Ogaysiis Ogaysiis Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Cadaallada Iyo Daryeelka Ee (UCID) Ee Ku Dhaqan Gobolka Washington State Iyo Nawaaxigiisa Inay Kasoo Qayb Galaan Shirweyne Balaadhan Oo Lagu Qabanayo Magaalada Seattle.

Shirkan waxa warbixin lagaga dhagaysan doonaa gudida xisbiga ee gobolka Washington State, sidoo kale waxa lagu lafa guri doonaa sidii loo dar-dar galin lahaa hawlaha xisbiga ee gobolka Washington iyo gobolada ku dhaw dhaw, sidaasi darteed waxa laga codsanayaa dhamaan taageerayaasha xisbiga UCID inay kasoo qayb gallaan shirka. Hadii Eebe Idmo shirku wuxuu ka dhacayaa maalinta Sabtida ah ee bishuna tahay 6/21/2014, saacadu markay tahay 7-PM Fiidnimo.

Goobta uu shirku ka dhacayaana waa 11215 5th Ave SW Seattle Washington 98146. Fadlan Wixii Faah-Faahin Ah Kala Soo Xidhiidh. 1-Gudoomiye Rashiid Caraale 206-793-2314. 2-Oday Cabdiraxiin Koofiyad Dheere 425-577-6641. 3-Cabdiraxmaan Cali Qaalib (Cabdiraxmaan Caliyow) 206-489-6103.