QABAN QAABADA SHIR AY BEESHA SUBEER –AWAL UGA DIGO-ROGANAYAAN XISBIGA KULMIYE OO LAGA DAREEMAYO HARGEYSA

image

Hargeysa:(SM)-Waxa Magaalada Hargeysa Aad Looga Dareemayaa Qaban Qaabaday Shir Ay Ku Dhawaaqeen Dhalinyarada Beel Weynta Subeer-Awal Ka Diba Markii Ay Ka Biyo Diideen Go’aanka Uu Gaadhay Muuse Biixi Ee Uu Ugu Tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo In Uu Mar Sadexaad Noqodo Murashaxa Xisbiga KULMIYE

Dhalinyardan Oo Shalay Bayaan Ay Soo Saareen Ku Iclaamiye In Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanayaa Xaalada Ku Soo Cusboonaatay Kaas Oo Ay Isugu Iman Doonaa Dhammaan Aqoon Yahanka Iyo Wax Garadka Beel Weynta Subeer-Awal. Si Ay U Gorfeeyaan Halka Ay Tageeradooda U Wareejin doonaan Madaamay Kulmiye Soo Tageerayeen Mudo 10 Sano Ah Balse Ay Ku Hungoobeen Maanta.

Sida Ay Illo Wareedyo Rasmiyi U Xaqiijiyeen saxaafada Shirkan Ayaa Waxa Lagu Wadaa In Uu Qabsoomo Maalinta Arbacada Ee Fooda Inagu Soo Haysa Kaas Oo Ay Haldoorka Beesha Subeer-Awal tageeradoo maskax maal iyo muruq ugu Biirin doonaan Labada Xisbi Mucaarad .

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho

Somalilandlve.com