Qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya

image

 

 

 

 

 

 

 

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in xalay uu Magaaladaasi ka dhacay qarax khasaaro geystay oo lagu tuuray goob sida la sheegay ay fadhiyeen dad shacab ah.

Charles Kinyua Taliyaha ciidamada Booliiska Magaalada Gaarisa, ayaa u xaqiijiyay Wakaalada Wararka Xinhua qaraxan, waxaana uu sheegay inuu dhacay xalay Fiidkii, markii kooxo aan la garaneyn ay bam ku tuureen dad fadhiyay Banaanka gurigooda oo sheekeysanaye.

Taliyaha ayaa sheegay in todobada ruux ee dhaawacantay la geeyay Isbitaalka Magaalada oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad, waxaana uu tilmaamay in qaraxaasi uu ka dhacay meel ku dhaw wadada loo yaqaan Ngamia ee Magaalada Gaarisa.

Raga qaraxa ku tuuray dadkaasi ayuu sheegay inay kusoo dhuunteen goob mugdi ah, kadibna ay bamka ku tuureen dadkii meeshaasi fadhiyay, iyadoo aan la ogeyn sababta amuurtaan ka dambeyso.

Booliiska ayaa wada baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay weerarkaan qaraxa ee xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro kala duwan waxa ay ka geysteen Magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, laakiin lama oga qaraxii xalay ka dhacay Gaarisa inay iyaga masuul ka ahaayeen, inkastoo weli aysan sheegan.

Qaraxan xalay ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkaan Magaalada Mombasa lagu dilay Wadaad Caan ka ahaa Magaaladaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Mohamed Idiris.

Salaanmedia/Mogdisho