QISO CAJIIBA”Walaal horta aan isku kaa sheego eh anigu Muslim ma ihi, waxaan aaminsanahay diinta masiixiyadda saaxiibkayguna waa baadari cadaan british ah”

10294259_310119675827814_6380739686230941409_n

 

 

 

 

 

 

Waxay ahayd muddo dhawr usbuuc ka hor waxaan safar yar oo kooban oo waxbarasho ku tagay magaalada Vienna ee xarunta dalka Austria, waxaanu ahayn arday wax ka baranaysay jaamacadaha culuumta Energy-ga iyo maaliyadda (Financial and Energy Training Sessions), waxaanu dhegaysanaynay khudbaddaha khubaro ka socotay haayadda IAEA (International Atomic Energy Agency) oo xarunteedu tahay magaalada Vienna.

Ardayda waxaa laga kala keenay dhammaanba dhammaanba dalalka midawga Yurub, waxaanu iskugu jiray arday u shaqaysa corporation ska waaweyn iyo kuwa aan shaqaynba oo jaamacadaha ku kooban.

Habeenimadii aanu tagnay maahe subaxnimadi ayaa waxaa kulankii ugu horeeyey nooga bilaabmay xarunta caanka ah ee loo yaqaano Austria Center oo ku taalla meel ku teedsan badhtamaha magaalada Vienna, markii aanu gallaynay hoolka weyn ee kulanku ka dhacaayey ayaa dadkii UK ka yimid waxay indhahaygu qabteen gabadh muuqeedu u eka Soomaaliyad, balse qaabka ay u labisnayd aan malahayga is moodsiiyey inay tahay Ethiopian ama Eriterian maadama oo aynu isku jinsi egnahay.

Gabadhaasi waxay xidhnayd dharka gaagaaban ee gaalladu u taqaano (Short Skirts) oo ah toob aad u gaaban oo ilaa bawdyaha jooga, iyo shaadh nooca ay u yaqaanan (Women Office Shirt).

Markii Seminarku bilaabmay ee uu socday in ku dhaw saacad iyo badh ayaa Professor kii khudbad waxbarasheedka jeedinaayey oo ka tirsana IAEA iyo jaamacadda Vienna University, wuxuu ka codsaday ardaydii inay isku qayb qaybiyaan kooxo (Grouping Sessions), si maxsuul loo helo waxyaabo uu noo diray markaasi oo la xidhiidhay mawduuca aanu u nimid meesha.

Bil amaara, waxaan nasiibkii ku hagaagay ama la isku kaaya hagaajiyey koox ay gabadhii muuqeedu Soomaalida iila ekaaday balse malahaygu is yidhi maaha qaabkay u labisnayd, waxaanu fadhiisanay kuraasi loogu tallo gallay kooxaha oo ahaa nooca yaqaano (round table sessions), waxaan si deg deg ah ugu dhaqaaqay halkii naloo bineeyey, indhahayguna waxay qabteen gabadhii, waxaan arkay iyadoo laftigeeduna isoo eegaysa, waxay igu qaabishay wajiga u dhaqanka ah dadka reer yurub ee loo yaqaano (Smiling gesture) oo ah in laguu dhoola caddeeyo, aniguna intaan usoo dhawaaday ayaan sallaamay, anigoo luuqadda ingiriisiga kula hadlaayey (How are you, good morning, are you from UK) intaa markaan idhi ayey iigu jawaabtay iyadoo af soomaali ku hadlaysa “HAA WALAAL waxaan ka imid uk adigu iska waran”. waanu is baranay magaceediina waxay iigu sheegtay Amaal Faarax.

Dabcan layaab igumay noqon waayo way jiraan dumar soomaaliyeed oo aan aqaano oo UK degen oo sida ay Amaal u labisato u labista laakiin waxaa keliya iga baxay uun malahii aan is moodsiiyey inay gabadhaasi ahayd Eriterian ama Ethiopian sababtuna qaabka ay u labisnayd.

Waxaanu guda gallay wixii naloo diray, waxaana markii ay hawshu dhamaatay, loo dareeray nasasho kooban (Half break), dabadeed waxaan tagay goob lagu qaxwaynaayey, waxaana aan markiiba arkay Amaal oo kursigii aan fadhiistay soo fadhiisatay, muddo ayaanu is weraysanay, luuqadda aanu ku wada hadlayna waa Soomaali, waxay ii sheegtay inay markeedii hore ka timid dalka Jarmalka oo ay muddo degenayd, dalka Austria-na aanay iminka ugu horayn, waxaan marka anigoo ka faa’iidaysanaya waayo aragnimadeeda weydiiyey “imisa soomaali ayaa tallow ku nool Austria?” waxay ii sheegtay inaanay qiyaas ahaan garanaynin balse ay ogtahay inay jiraan Soomaali ku nool dalka Austria oo aan u badnayn tiro ahaan sida dalalka galbeedka yurub.

Haddana waxaan weydiiyey su’aal labaad oo ahayd imisa muslimiin ah ayaa ku nool talow dalka Austria?, masaajidase ma ku yaallan magaalada Vienna, jawaabtii aan hellayse waxay noqotay mid aan mooday kaftan waxay iigu jawaabtay inantaasi “walaal horta aan isku kaa sheego eh anigu Muslim ma ihi, waxaan aaminsanahay diinta masiixiyadda saaxiibkayguna waa baadari cadaan british ah”

Markii ay intaasi isku kay raacisay ayaan yaabayo intaan anigoo qoslaya eegay ayaan ku idhi “miyaanad Soomaaliyad ahayn” markaasay igu tidhi “maye waan ahay” waxay igu tidhi diinta islaamka waxaan ka baxay 15 sanno ka hor” waxaa na dhex maray dood badan, ka dibna anigoo aad moodo inay labada indhood kariir i yahiin ayaa la gaadhay xilligii aanu dib ugu noqon lahayn hoolka. qiyaastii anigu iska dhaaf qof dumar ahe weligay Nin Soomaali ah oo kiristaan ah ayaad arki weligay ma soo dhigan”

Sheekadda waxaan ku keenay usbuucii hore ayaa anigoo subax kallahay oo fadhiya goob shaaha laga cabo magaalada aan ka degenahay UK waxaan iibsaday wergeyska The Telegraph waxaana bogga ugu horeeyey igaga soo booday ciwaan ah “I renounced Islam, so my family think I should die” qodhaa iyo xero waa halkii Soomaalida eh waa isla Amaal oo ka hadlaysa gabadh suudaaniyad ah oo dhawaan nin kiristan ah guursatay oo maxkamad ku taalla Khartoum dil ku xukuntay, waxay ka sheekaynaysa qaabkay uga baxday diinta islaamka, waa kani lisnkii ee ila akhriya http://www.telegraph.co.uk/news/worldnews/africaandindianocean/sudan/10854163/I-renounced-Islam-so-my-family-think-I-should-die.html.

Arday la kulmay gabadha Diinta ka baxay.