Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga oo la kulmay xubno ka tirsan Qurba-joogta ka qeyb galeysay shirkii Istanbul

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga ayaa xalay la kulmay qaar kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed oo shalay kulan ugu soo gaba-gaboobay dalka Turkiga.

Xoosh Cabdi Aadan oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Dalka Turkiga oo la hadlay Idaacada Kulmiye, ayaa wuxuu faah-faahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga iyo waxyaabaha ay kaga wada hadleen.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga Receipt Dayib Erdogan ayaa aqalkiisa ku casuumay Guddi kamid ah Qurbajoogta kulanka Istanbuul ugu soo dhamaaday, waxaana ay kawada hadleen doorka Turkiga ee horumarinta arimaha dalka Soomaaliya.

Xoosh Cabdi Aadan, wuxuu sheegay in Dowladda Turkiga ay taageertay shirkii Qurbajoogta, maadaama Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga shirkaasi uu ku sheegay inuu yahay mid Soomaali ka yimid.

Wuxuu balan qaaday taageerada Dowladiisa ay siiso Soomaaliya inay siiwadayaan, ayna jecel yihiin in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo horumar ku noolaadaan.

Erdogan ayaa sababta uu u taageeray shirka ku sheegay inuu ahaa mid kayimid dadka Soomaalida ee qurba-joogta ah, isagoo xusay in dowladdiisu ay ugu duwan tahay dalalka kale taageeridda aragtida dadka Soomaalida.

Turkiga ayaa wuxuu kamid yahay Dowladaha Sida weyn u taageera dalka Soomaaliya, marka loo eego howlaha kala duwan ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Salaanmedia/Moqdisho