Safarkii Wasiirka Duulista Somaliland Ee Nairobi Ma Guul-Buu Kusoo Dhammaaday Mise Guul-Daaro? Qalinkii:Cabdi casiis bashiir Nuur

wasir-xaashi-150x150

Wasiirka wasaaradda duulista maxamuud xaashi  oo si weyn uga cadhooday ax-di al”aanta soomaaliya ayaa dhowaan safar ku tagay xaruunta qaramada midoobay  ee fadhigeeddu yahay magaalada  Nairobi,waxaana wasiirkani kulanno gooni gooni ah la yeeshay sarakiisha hay’da ICAO oo iyaadu maamusha hawada soomaaliya iyo Somaliland waxaana uu wasiirku usoo bandhigay kala duwanaanshaha labada dale e hore la isaagu odhaan jiray soomaaliya balse hadda laba dal kala ah. Wuxuuna  uu xasuusiyey inay hawada Somaliland lama tab-taan tahay qaranka Somaliland-na anay ogolaan-dooniin,inay hawadooda cid kale  xukunto.    Wasiir xaashi isaagu waxaa uu ku ad-keystay inay qaramad midoobey ay dhex ka noqdaan arrinat hawada Somaliland iyo soomaliya waxaana waxaana meel adag iska taagay maw-qufka ay leeyihiin qaranka uu meeteello waxaanu ku dooday inay dawladda soomaaliya si badheedh ah uga baxday heeshiskii u dhex-dheexaadinaayey dawladda Turkiga.

Hadaba waxaa jiray qodobo ay wadaa saxeexdeen labada dawladood ee Somaliland iyo soomaliya taaso ay gadh-wadeen ka ahayd dal weynaha turkigu,waxaana qayb ka mid ahayd ay ahaayeen sidaan.

1-In wadahadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay sii socdaan oo lasii wado.
2-Sameynta gudi farsamo labada dhinac ka kooban oo iyagu ka baaraan dega qaabka loo xalin karo arinta maamulka Saadaasha hawada ayadoo mas’uuliyadda maamulka hawada Dalkana ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxana laga maamuli doona Somaliland ilaayo wakhtiga laga gaadhaaya xal waara hawada Somaliland .
3-In markale mudo 120 (Boqol iyo Labaatan) cisho kadib ay ku kulmaan gudiyadan labada dhinac magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga si ay usii amba qaadaan geedi socodka wadahadallada ayadoo laga fogaanayo wax kasta oo hadal ah oo warbaahinta la isku mariyo kuwaasi oo geedi socodka wadahadalladan dhibaato ku ah.
Waxaana heeshiskaas si badheedh ah uga baxday dawladda somaliya, Wada hadaladani oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa kala horkacaya Wasiirada Kala ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel iyo Maxamud Xaashi.waxaan si toosa la iskula qaatay in hawada Somaliland lagu wareejiyo dalka Somaliland waxaana si badheedh uga baxday dawlad isku sheegtay soomaliya oo maroorstay awoodda  hawada iyaado damacday inay dhaqaalaha kazoo baxaa jeebadda ku shubato.

Hadaba wasiirka wasaaradda duulista hawada Somaliland oo shalay dalka kusoo laabtay ayaa si faah-faahsan uga hadlay sidaa ay Somaliland uga go”aan-tahay inay maamusho hawadeeda.wuxuuna bulshada u iftiimiyey inay xaq-u leeyihiin, in dhaqaalaha kazoo baxaa hawada inay si toosa ugu dhacdo sanduuqa hawada Somaliland,hawada Somaliland in aanay lama tab-taan ahaydn ayuu wasiirku ka warbixiyey wuxuuna yidhi wasiirka wasaarada gaadiidka cirka maxamuud xaashi cabdi” Waxa hore loogu heshiiyey in Guddi ka Madax-banaan dawladaha (Somaliland iyo Soomaaliya) ay maamulaan hawada, xarunta laga maamulayaana noqoto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida muuqata walaalahayo Soomaaliya heshiiskaasi way baal-mareen, markii ugu dambaysay ee aanu kulannayna muran-bay ka keeneen hadalkii qoraa ee lagu heshiiyey, imikana annaga oo ku heshiinay in bisha koowaad ee sanadka 2015-ka maamulka hawada gacmaha Soomaalida dib loogu soo celiyo, mudada ka horeysana la isla eego qaabka wax loo maamulayo, khilaafaadka soo dhex galeyna la saxo, qodobka ay tafsiirkiisa qaldeena ay soo saxaan, ayaanu ku kala nimid markii u dambaysay”    Iskusoo wadaa duubbo wasiirka wassaaradda duulista hawada maxamuud xaashi cabdi waxaa gaws-danbeedka ku qabsaday qadiyadda wadanka somliland oo ah qaran xornimadiisa lasoo noqday 1991 wuxuuna tuseyinay tahay wadan aan marnaba qaadaneyn in wadan la mid ahii maamulo waxaaa kale oo wasiirku ku dooday inay wadaan waan-waan laala galo walaalahooda oo iyaagu waran la” waxaa ay xeerinayaan wax badan oo ka dhaxayn jiray labadan wadan ee hadda kala baxay. Qodobadan ayaa muujinaya sida la isugu mari waayey qodobadii kale ee muhiimka ahaa sida madax banaanida Somaliland, balse wafdiga Somaliland ayaa ku guuleysatay inuu hal qodob oo muhiim u ah loo fuliyo kaasi oo aahaa inaan marnaba Hawada Soomaaliya laga hagin magaalada Muqdisho, arrintaasi oo uu maamulka Soomaliland si weyn u qaadacay tan iyo heshiiskii bishii Maymagaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen Wasaarada Isgaarsiinta iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsaneyd arrimaha hagida hawada Somaliya.Qodobkan wax faah faahin dheeraad ah kama bixin in Qalabkii lagu waday in Airporka Muqdisho lagu rakibo ee hagida hawada Soomaaliya, loo wareejin doono magaalada Hargeysa iyo in kale, balse mar walba wuxuu qodobka kasoo baxay shirka Istanbuul guul u yahay wafdiga Soomaaliland oo ku adkeystay in diyaaradaha hawada Somaliland maraya aan laga hagi karin magaalada Muqdisho.

Qalinka

Cabdi casiis bashiir Nuur

info@xogreebnews.com-

Tel:4144434

Hargeisa/Somaliland