Salaad Cali Jeelle oo Dagaalada Sh.hoose ku tilmaamay mid Dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashadiisa

image

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta ku nool Magaalada Muqdisho, Dowladihii dalka soomarayna xilal kala duwan kasoo qabtay ayaa wuxuu ka hadlay Dagaal beeleedyada ka taagan Gobalka Shabeelaha hoose ee udhaxeeyo labo beelo oo halkaasi wada-daga.

Isaga oo la hadlaye Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa Salaad Cali Jeelle wuxuu ku tilmaamay Dagaaladaasi ku ayaandaro ah oo haysata Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasina ay tahay wax laga xumaado.

Salaad Cali Jeelle, ayaa qeexay asalka dagaaladaan, waxa ay ka biloowdeen, waxaana uu dusha ka saaray in amuurahaan ay ka dambeysay markii Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya uu bedelay qaar kamid ah maamuladii Degmooyinka Gobalka Shabeelaha hoose, isaga oo aan kala tashan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay inay xaliso Dagaalada soo noq-noqday ee ka taagan Gobalka Shabeelaha hoose.

Masuuliyada ugu badan ee dagaalada Gobalka Shabeelaha hoose waxaa dusha looga tuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada colaadahaasi.

Gobalka Shabeelaha hoose hada waxaa ku sugan wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga, waxaana ay halkaasi ka wadaan xalinta Dagaal beeleedyada Gobalkaasi ka taagan.

Salaanmedia/Mogdisho