Saleebaan UDUB iyo UCID uumuu gar naqin sow qabyaalad maaha waxa Kulmiye uu uugu soo gurmaday.

Saleebaan gaall

Shaki kuma jiro oo cidna kama qar soona in Muse Biixi gar leeyay hadana inta sharcigii la iska laabay ayaa la yidhi guurti ha xalisho khilaafka Kulmiye.
Suleiman gaal oon khilaafkii UDUB iyo kii UCID midna gelin ayaa ka soo cararay wadanka ingiriiska markuu maqlay kulmiye Muse Biixi baa ku dhawaaqay in uu u taaganyay musharax nimo.
Wey caday in Suleiman gaal qabyaalad awgeed uu ku galay garta khilaafka Kulmiye. Hadaba ninkii caqli lihi wuu garanayaa in aan wax wanaagsan oo Muse Biixi ku qanco aan guurtidu soo saareyn oo marka horeba in laga aqbalo Suleiman gaal oo ay Silaanyo isku heyb ka soo jeedaan in uu gartan galo waa khalad.
Waxaan ku soo koobayaa Muse Biixi waxba kulmiye uuma yaalaan oo Silaanyo wuxuu u jeedaa waa xisbigaygii oo cid kale uuma ogoli. Hadaba Muse ha tashado. Talada aan Muse siin lahaana waxa weeyey in isaga iyo beeshiisuba xisbiga uuga baxaan Silaanyo oo ay xisbi mucaarada ku biiraan si uu silaanyana u soo bixi waayo. Silaanyo iyo xukun qar-qoosh kiisa shicibku wey naceen markaa beeshiisa oo qudhi sooma saari karto. Muse waxaan leeyay yaan waqti kaaga lumin Kulmiye ee adna awoodaada tus oo xisbi kale ku biira adiga iyo beeshaaduba si uu isna u dego.

by Abdi Mustafe