Saxaafaddii Hargeysi way ceebowday markii ay cayda dumarka u soo biyeysteen. Ma Amina Waris siday u caayeen, ayaa laga aamusi karaa! ( Halkan ka akhriso haddaad wax ku qaadanaysaan )

image

In badan oo badan ayaan saxaafadda Somaliland lahaa weli may qaan gaadhin ee sug bal inta ay wararka bojolka ah iyo qoraallada doqonniimada ah ay ka weynaanayaan, laakiin weli waxa ay dhex fadhiyaan xishood la’aantii iyo dhaqan xumadii ay marwooyinka sharafta leh ku af-lagaadaynayeen. Waana mid nasiib darro u ah in ay ka kori waayaan foolxumadaa aanay cidina ugu garaabayn.
Dhaqankeenna Somaliyeed amma Islaamka ah waxa ka reebbanaa in dumarka la af-lagaadeeyo, ninka doqonka ah ee ay ka suurtowdana waxa xeer u ahaa in si xarraga leh loo qisaaso. Balse, maanta waxan aragnaa in faan iyo xarrago laga dhigtay in dumarka xurumaadka ah, hooyooyinka ah lagu caayo website yada public-ka ah. Iyada oo ay sidaasi tahay, haddana kuwa caytamayaa ma oggola in Hooyadood amma walaashood wax laga sheego.
Ka saxafi ahaan way ila noqon weydey in aan fiirsado Amina Waris oo kale, oo ah marwada koowaad ee Somaliland oo la af-lagaadaynayo, waxanan deelqaafka noocan ah u arkaa gaf dhaqanka iyo taariikhda laga gelayo. Mana waafaqsana milgaha saxaafadda xorta ah, ee la rabo in ay ummadda hagto, tilmaanto amma wanaagga ku hanuuniso.
Marwo Amina iyo kuwa badan oo la mid ahi, waxa ay mudan yihiin ixtiraam iyo sharaf, ma mudna in la nabo, la xag xagto oo ceebo iyo danbiyo aanay lahayn meelo loogu soo qor qoro. Waxana nasiib darro ah dadka isku hawla arrinaha noocaasi ah in ay dib uga noqdaan dhaqan xumadaa ay la dul korayaan saxaafadda.
Saxaafadda xorta ahi maaha mid ay u bannaantahay in ay dhaqanka xun ee bilaa xishoodka ah soo waariddo, maaha in ay xurmooyinka aan ceebta lahayn ceebeeyaan, calool xumo ku ridaan, oo ay dadka xumaan ku baraan.
Waxan hore u qoray maqaal aan Marwo Amina Waris kaga hadlayo aragtideeda siyaasadeed, oo weliba ay wakhtigaa ahayd mucaarid u halganta xisbiga maanta talada haya ee Kulmiye. Run ahaantii waan ku ammaanay, sidii aan ku arkayey ayaanan wax uga sheegay. Maantana waxan ku difaacayaa maaha dan iyo siyaasad midna, balse waa gafka saxaafadda Somaliland qaarkood ay caadaysteen oo aan muujinayo in aanan la qabin ee aan ka soo horjeedo.
Gaba gabadii waxan Amina Waris ku bogaadinayaa in aanay waxaa lagula kacayo dhag jalaq u siin.
Afeef: Maqaallada aan ka biyo diiday ma jecli in aan shabakaddan ku soo qoro si aan markhaati ahaan ugu soo qaato.

Ahmedweli Goth