Sheekadan manta waxay ku saabasantahay Yemantii Reer Berbera ee waagii hore

MAQAAL

Sheekadan manta waxay ku saabasantahay Yemantii Reer Berbera ee waagii hore
Waxa berigii hore joogi jiray magaalada berbera yemeniyiin iibiya biyaha qabaw
Waxaanay ku qaadi jireen bahal la odhan jiray jalxada iyo madiibado yar yar
Markaa waxay ku dhawaqi jireen maa.ul baarid maa.ul baarid marka biyaha laga iibsadoo
Waxay lacagata ku ridan jireen kiishad amma boorso yar oo dhinaca ugu xidhan
Hadaba nin yementaas kamid ahaa oo la odhan jiray Cabdoo Cali Cabdalla ayaa waxa uu biyihii
Ka ganacsadaba oo uu lacagtii kiishad ku ururiyaba waxa uu maalintii danbe damcay inuu Yemen u safaro
Dabeed waxa uu raacay dooni yar oo tabcaana dabeed doonidii ayaa markay dhexda maraysay qaraqantay
Amma degtay hadaba sida loo yaqaano Cabdoo Cali Cabdalla ayaa waxa ku dhacday in markii doontu sii Qalibmaysay ee ugu horaysayba waxa badda kaga dhacday kiishaddii lacagta uu ku sitay calaa kuli.
Xaal adigu doontii way degtay odaygii Cabdoo na waa lasoo badbaadiyay kadib wuxuu ku soo noqday
Magaaladdii berbera ee uu ka tegay dabeed Cabdoo waxa waraystay dadkii magaalada oo waxa lagu yidhi
Bal waran Cabdoo markaa waxa uu yidhi WALAAHI ALXMDULILLAAH LAAKIIN XAQAL MAA RAJUCUL MAA
oo macanaheedu tahay walaahi anigu waan fiicanahay laakinn wixii aan lacag biyaha ka soo saaray waxa Ku noqdeen biyihii
Waxaan filayaa in aad fahmi doonto akhriste dulucda sheekadan markaad ka bogoato

by Sacad Cali Kaahin plucky