Sheekh Abu Muscab oo sharaxaad ka bixiyay weerarada ay ka geysteen Mpeketoni & Poromoko ee Kenya


image

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay iyagu ka dambeeyeen labada weerar ee ka kala dhacay Deegaanada Mpeketoni iyo Poromoko ee Gobolka Xeebta leh ee dalka Kenya.

Afhayeenka, ayaa wuxuu sheegay in weerarka hore ay ka geysteen Mpeketoni, habeenimadii ay Isniintu soo galeysay, halka habeenkii xalay ahaana ay gudaha u galeen Deegaanka Poromoko.

LWuxuu sharaxaad ka bixiyay qaabka ay u galeen Deegaanka Mpeketoni, iyadoo uu sheegay in weerarkaasi uu bilowday 8-dii fiidnimo ee habeenimadii Isniinta, iyagoo ka bilaabay buu yiri Saldhiga, waxayna dagaal muddo kooban kula galeen Ciidamadii ku sugnaa, isla-markaana ay kala wareegeen gacan ku haynta Saldhigaasi, taasina ay u suurta gelisay inay la wareegaan gacan ku haynta Mpeketoni.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay, ayuu sheegay in Ciidamada Shabaabku ay hawlgalo sifayn ah ay ka sameeyeen Deegaanka Mpeketoni, iyadoo uu bartilmaameydku uu ahaa dad gaar ah oo la rabay buu yiri in khadka laga saaro.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa hawlgalka Deegaanka Mpeketoni ku sheegay inay ku dileen in ka badan 50 ruux, iyadoo sidoo kalana uu jiro burbur hantiyadeed, oo ay geysteen dagaal-yahanadooda, isla-markaana ay gacanta ku hayeen Deegaanka Mpeketoni muddo dhan 8 saacadood.

Wuxuu kaloo sheegay in si iskood ah ay kaga baxeen Deegaanka Mpeketoni, markii uu amar kaga yimid Taliskooda, xilli uu sheegay inaanay waxyeelo ka soo gaarin weerarkii abaabulnaa ee ay ku galeen Mpeketoni.

Halwgalka labaad oo ka dhacay Deegaanka Poromoko, ayaa ka dambeeyay markii uu sheegay in waxa uu ugu yeeray cadowgu uu hawlgal roondo ah ka waday, isla-markaana ay ka war helayn dagaal-yahanadooda.

Abuu Muscab, ayaa hawlgalkaan labaad sheegay inay ku dileen ilaa 20 ruux, marka leesku geeyo labada hawlgalna ay muuqato dhimasho aad u badan, iyadoo uu intaa raaciyay in uu jiro khasaaro badan oo maaliyadeed.

Ugu dambeen Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ku goodiyay inay sii socon doonaan weerarada ceynkani oo kala ah, ee waxyeelada loogu geysanaayo cadowga, sida uu yiri.

Salaanmedia/Mogdisho