Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii ay maanta ka geysteen Degmada Buulo Burde

image

 

 

 

 

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in ilaa 10 askari ay ku dileen, weerarkii ay maanta ku galeen Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Afhayeenka wuxuu sheegay in Xoogaga Shabaabka ay weerar ku qaadeen Hotel Camaloow, halkaasoo uu sheegay inay degan yihiin Saraakiisha Ciidamada Jabuuti, ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Waxa uu intaa ku daray in Xoogagoodu ay u suurta gashay inay ka gudbaan ilinka hore ee Hotel Camaloow, ayna dileen wixii ku sugnaa sida uu yiri, isla-markaana ay gudaha ugu dhaqaaqeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay weerarkaan ku dileen ku dhowaad 10 askari oo ka mid ah Ciidanka Jamhuuriyada Jabuuti, halka tiro kaloo badana sida uu sheegay ay ku dhaawaceen.

Ujeedada ay mar labaad u weerareen Hotel Camaloow, ayuu Sheekh Cali Maxamuud Raage ku sheegay, iyadoo ay degan yihiin Madaxda Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti.

Cali Dheere, ayaa ku waramaaya in Saraakiisha Jabuuti ay u heysteen inay ku nabad galayaan Hotel Camaloow, kadib markii uu sheegay inay barro kontoroolo oo badan, ay dhigeen qaybaha Degmada Buulo Burde. Laakiin ay tusinayeen inaanay ku nabadgeli karayn.

Cali Dheere waxa uu ku hanjabay inaanu weerarkaan noqon doonin midkii ugu dambeeyay, isla-markaana ay sii wadi doonaan, ilaa iyo inta Ciidanka Jabuuti ay isaga baxayaan Buulo Burde, sida uu yiri.

Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu hadalkaan ka sheegay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, mar uu wareysi siinaayay.

Salaanmedia/Mogdisho