Sheekh Muxamed Cabdi Umal oo si wayn loogu soo dhaweyey Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

image

 

 

 

 

 

 

Sheikh muxamed cabdi umal oo ka mid ah culimada ugu caansan geeska afrika oo baryahanba safar dacwadeed ku joogay s/land ayaa manta gaadhay magaalo madaxda gobolka soo ee laascaanood.

 

Sheekha oo hogaaminayey wafdi aad u baaladhan ayaa waxa ku soo dhaweyey meel 40km u galbeed kaga beegan magaalada laascaanood maamulka ,culimada,macalimiinta,ardayda macaahida , ciidamada amniga iyo boqolaal ka tirsan shacbi waynaha ku dhaqan magaalada laascaanood.

Dadwaynaha sheekha soo dhaweeyey ayaa waxa horkacayey sheikh cabdi naasir xaaji axmed oo ka mid ah culimada waawayn ee caanka ka ah dhulka somalida guud ahaan haddana fadhigiisu yahay magaalada laascaanood.

 

Munaasibada soo dhawaynta ayaa waxa ka hadlay culimo uu ka mid yahay sheikh axmed muxamed sulaymaan , sheikh cabdi naasir xaaji axmed ,garaado ,iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka sool.

Waxa kale oo xusid mudan in wafdiga sheekha si wayn loogu soo dhaweynayey intii jidka ay soo hayeen iyada oo dadwaynahu wada hareereheeda ay la taagnaayeen caleemo qoyan, gaar ahaan magaalada caynabo ayaa sheekhu waxa uu u jeediyey kalmad kooban uu ku saabsan nicmada islaanimada iyo in ay mudan tahay in lagu fara adaygo.

 

Dhanka kale sheikh maxamed cabdi umal ayaa markii uu soo gaadhay magaalada laascaanood waxa uu khudbadii jimcaha ka jeediyey masjid jaamica way nee ku yaal badhtamaha magaalada laascaanood.

Khudbadan oo aad uu xiiso badnayd ayaa sheekhu waxa uu ku soo qaatay maan dooriyahay qaadka oo sheekhu ku timaamay musiibo qaran.

Sheikh muxamed cabdi umal ayaa la filayaa in uu muxaadaraad dhowr ah ka jeediyo magaalada laascaanood.