Sheeko Kale: Maxaa Qorax Iyo Dayax Cirka Geeyay? Cabdisalaam Yaasiin

image

Waxa sheeko yinkii dadkii hore ka mid ah sheeko ka hadlaysa waxa Qorax iyo Dayax cirka geeyay. Waxa la yidhi Qorax iyo Biyo ayaa isku deegaan ahaa. Qorax wuu booqan jiray Biyo. Biyo se Qorax ma booqan jirin.

Qorax ayaa booqasho la’aanti taabtay. Biyo ayuu u tegay. Wuxu ku yidhi, “ Anigu waan ku soo booqdaa, maxaad adigu ii soo booqan weyday?”

Biyo wuxu u celiyay, “ Qorax, anigu keligay ma ihi. Cido aad u badan ayaan leeyahay. Cidahaasina igama hadhi karaan. Adna guri qaada ma lihid. Sidaa darteed, ayaan kuu soo booqan waayay. Ee wax kale igu ma jiraane, raali ahaw.”

“Raali baan ahay.” ayuu yidhi Qorax, “ si aad adiga iyo cidahaagu ba ii soo booqataana, waxan dhisayaa guri weyn oo aan kaas oo kale hore loo arag. Saaxiibkay Dayaxna guriguu ila dhisayaa.”

Qorxa iyo Dayax gurigii ayay dhiseen. Markay dhameeyeen, ayay Biyo iyo cidihiisii marti qaadeen. Ka dibna Biyo iyo cidihiisii badnaa ayaa soo qulqulay,

Markay irridda marayeen, ayaa Biyo weydiiyay Qorax, “Gurigu diyaar ma yahay oo ma soo gala karaa? “Ha,” ayuu u celiyay Qorax, “ee ku soo dhowaad guri furan iyo qalbi furan.”

Biyo iyo cidihiisii ayaa ku soo qulqulay gurigii. Iyaga oo aan weli ku soo dhamaan, ayaa waxay gaadheen guriga badhtamihiisii. Biyo ayaa weydiiyay Qorax, “Gurigu amaan ma yahay?” “Waa amaan,” ayuu celiyay Qorax.

Markay Biyo ciddiisii saqaf ka ku dhowyihiin, ayaa hadana Biyo ku yidhi, “Qorax, ciddaydi halkay marayso waad aragtaa, welina waa soo qulqula yaane, gurigu amaan ma yahay?”

Qorax iyo Dayax ayaa is eegay! Ilayn meel ay ka noqdaan ma jirtee, “Haa, ee ha soo galeen,” ayuu ugu jawaabay Qorax.

Biyo cidihiisi saqaf kii ayay gaadheen. Qorax iyo Dayaxna saqaf ka guud kiisii ayay u baxeen. Biyo iyo cidihiisina saqaf kii ayay kaga daba tageen; gurigiina way ka saareen. Qorax iyo Dayax markii ay meel ay is taagaan waayeen ayay cirka u baxeen. Qorax iyo Dayaxna waxa cirka geeyay Biyo iyo cidihiisaa ququlayay!!!