Shir Balaadhan Oo Ay Isugu Yimaadeen Gudidafulinta Waddani Uk Iyo Gudoomiyayaasha Laamaha Ee Uk,

image Shirkan oo ka dhacay blue ocean restaurant magalada London habeenimadi xalay 14/6/14, ayaa waxaa lagu dar dar galinaayay dhamaan lamaha UK, tasina aay ka danbayisay marki aay tageerayaal aad uu tiro badan ku soo birayaan xisbiga Waddani UK, waxaa halka hadal ka jeediyay gudoomiyaha xisbiga Waddani UK mudane Xuseen Aadan Cade oo ka dhagayistay warbixintii ay laamuhu uu soo gudbiyeen waxanu ku dardaaray in ay dar dargaliyaan hawsha quruxda badan ee ay uu hayaan xisbiga madama oo tageryaal aad u badan ku soo birayaan xisbiga Waddani UK, waxa kale oo uu shegay gudoomiyuhu in xisbiga Waddani anu marna ka rali ahaayin cabudhinta lagu hayo umada Somaliland tahayina wixii laga soo dagaalamay, una yahay Xisbiga waddani xisbiga kaliyi ee manta dalkan ka saari kara dhibka. Waxa isna hadal ka jeediyay shirkaas gudoomiya 2 baad ee Uk oo isna ku dheraaday gobalada bariga Somaliland oo uu sheegay in aay uu bahanyihin in il gooniya lagu eego, lagana tageero xaga iskuulada, wadooyinka iyo caafimadka balse aanay uu baahanyiin qori caaradii.   Waxa kale oo isna hadal ka jediyay gudoomiya 3xaad Mahdi Jama Roble oo isna sheegay in dawlada Somaliland dhinac martay shuruucdii dalka uu yalay, joojisana cabudhinta dawlada Somaliland ku hayiso saxaafada madaxbanan, waxa halkas iyaguna hadlo ka jeediyay dhamaan gudidii halkas ka soo qayib gashay oo kuligood ku dheraaday sidii loo horumarin lahaa xisbiga iyo Somaliland, iyaga oo marwalba la garab taagan shacabka Somaliland hil iyo hooba.

Gabagabadi xaflada waxa la isku afgartay in sii dag daga loo diwaan galiyo tageerayaasha ku soo qulqulaaya xisbiga, iyo in la dar dargaliyo dhamaan lamaha UK oo sii balaadhanaaya.

Afhayeenka iyo diiwaangeliyah xisbiga Waddani UK Khalid Ahmed Osman