SHIRQOOLLADA iyo DABINNADA UN ta iyo CADAWGU SOMALILAND U MALEEGAYAAN , MA LAGA WARHAYAA ?

calimaxamedbiixi

Waxa uu sheegay oo cadaystay Nichal kay oo ah mas uulka UN ta u fadhiya somaliya in uu cadaawad uhayo  somaliland kol hadday diideen in uu xafiis  ka furto hargeysa , waxaanu iclaamiyey in qorshihiisa ay ku jirto sidii uu qasab ugaga furan lahaa somaliland xafiis UN tu leedahay oo hoos yimaadda ka muqdisho uga furan , inkasta haku qaadato e .

waxaanu qorshe lagalay maamul goboleedka puntland iyo cabdiweli in ay ka wada shaqeeyaan sidii amaan daro iyo dagaalo iyo khalkhal looga abuuri lahaa bariga somaliland , loona xoojinlahaa dhaq dhaqaad yada hubaysan ee ka jira , 
Waxa kale oo uu sheegay mas uulka somaliya uga wakiilka ah dhinaca cuna qabataynta hubka ee UN tu saartay somaliya : in aanay somaliland samaysan karin ciidan ilaaliya goobaha shidaalka laga baadhayo , hubna aanay somaliland soo iibsan karayn , maadaama oo ay somaliya ka saaran tahay cuna qabatayn dhinaca hubka , somaliland na waxay ka mid tahay wixii somaliya laysku odhan jiray , wuxuu kaloo raaciyay somaliland na uma aqoon sanin inay tahay dal madax banaan , laakiin waxaanu u aqoon sanahay inay somaliland tahay mid somaliya ka mid ah . wuxuu kaloo sheegay inaanay somaliland xaq u lahayn inay shirkadaha caalamka ee shidaalka baadhha   heshiisyo ka gasho iyada oon somaliya ka amar qaadan , waxaana jiray buu yidhi , in ay jireen shirkado maraykan ah oo heshiisyo la galay xukuumaddii hore ee siyaad bare ( sagaashanadii ka hor) .
Hadaba UN tu qoormay noqotay hay ad u shaqaysa danaha shirkadaha maraykanka ?
Goormayse uun tu isu bedeshay hay ad ganacsi ?
Hadaba waxa UN tu iyo cadawga somaliland soo maleegeen qorshayaal ku salaysan sidii somaliland :
1- Sidii agaalo looga ridi lahaa  dhinaca bariga .
2- Sidii somaliland xasilooni darro looga samayn lahaa ,
3- Sidii fara gelin loo abuuri lahaa .
4- Sidii ciidamo UNISOM ah loo keeni lahaa xuduudka somaliland iyo maamulka puntland .
5-Nicholan iyo cabdi weli waxay wada galeen heshiisyo ku saabsan wada shaqayn iyo sidii qorshaha nicholas u fuli lahaa . (colaad iyo dagaalo in laga rido bariga somaliland )
6-DAGAALADAA KABACDI 
in UN tu fara gelin samayso iyo wax lagu magacaabo DHEXDHEXAADIN iyo HASHIISIIN LABADA DHINAC EE DAGAALAMAAYA ( WAA DAGAALKII LA ABUURI DOONO ).
7-HESHIIS YADAN oo xanbaarsan KHIYAAMOOYIN iyo XEELADO iyo DABINNO somaliland lagu WAN JALAAYO MUSTAQBALKA 
SIDA 
8- In somaliland saxeexdo heshiiskii somaliya UN tu soo saartay ee ahaa ( in aanay somaliya soo waaridan karin HUB)
IN KASTTA OO DHAWR JEER MARAYKANKU JEBIYAY GO AAN KAA , OO UU XUKUUMADDA MUQDISHO SIIYAY HUB , laakiin meel uu ka dhcay la garan waayey .
9- Go aamadan UN tu saatay somali 
in ay somaliland ka mid tahay somaliya , oo aanay UN tu aqoon sanayn wax somaliland la yidhaahdo .
10-Waxa loo socdaa oo dhami waxa weeye in somaliland ka mid tahay federaalka somaliya (kooxda muqdisho lagu ilaaliyo )
ARINKA UGU MUHIIMSAN ARIMAHAN OO DHAN WAXA WEEYE :
11- In somaliland UN tu XAFIIS KA FURATO (HARGEYSA )
12- In uu XAFIISKAASU (UN tu) hoos yimaaddo XAFIISKA muqdisha ku yaala ee uu ka taliyo Nicholas kay .
13- In la sameeyo guddi dhex dhexaadisa khilaafka labada dhinac ee dagaalku dhex maray .
14- In la sameeyo guddi labada dhinac ka kooban oo ciidamo ah , oo la dagaalama budhcad badeedda .
15- In la sameeyo ciidan labada dhinac ka kooban oo xuduudaha ilaaliya .
16- In la sameeyo guddi khilaafaadka xalisa oo labada dhinac ka kooban .
17- In la sameeyo guddi wada hadalada ka shaqaysa iyo sidii ay u sii socon lahaayeen .
18-WAXA LA SAMAYN DOONAA GUDDIYO IYO QODOBO FARA BADAN , OO AY U JEEDADOODU NOQON DOONTO XANBAAR SAN TAHAYNA , KHIYAAMO LOOLA JEEDO SOMALILAND iyo ARIMO KALE OO IMINKA MUGDI AH OO DIB KA CADDAAN DOONA .
IYO ARIMO KALE OO SOMALILAND LAGU WAN JALAAYO 
IYO SIDII FARO GELIN DAHSOON SOMALILAND LOOGU SAMAYN LAHAA MUSTAQBALKA 
19- UN tu waxay ka shaqayn doontaa kobcinta khilaafaadka siyaasadeed ee somaliland had iyo jeer ku soo noqnoqda .
20- Waxay UN tu iyo (mafia) du samayn doonaan 
a- inay hay adaha ay ka mid yihiin ( amnesty international 
 (human right) iyo xuquuqda saxaafadda iyo qaar kale oo badanba , siday ugu adeegan lahaayeen ayey falowgeed qaban doonaan .
21- HADABA Nicholas iyo cadawga faraha badan ee somaliland waxa ka go an , sidii somaliland xafiis looga furi lahaa , qasabna loo ogolaysiin laha somaliland .
22- Nicholas iyo CADAWGA SOMALILAND BA WAXAY DOONAYAAN SIDII AY SOMALILAND UGA DHAADHICIN LAHAAYEEN INAY GUUL DARAYSTEEN , 
OO AANAY BEESHA CAALAMKANA ICTIRAAF KA HELAYN .
Hadaba somaliland waa inaanay ogolaan shirqooladan iyo qorshayaashan ay UN tu iyo cadawga somaliland wadaan 
somaliland waxa qoryaala imtixaan , kamana adka kuwii hore ee ay soo martay ee ay ccadawga kaga guulaysatay .
somaliland na ka noqon mayso go aankii uu shacabkeedu qaatay , ee ahaa in ay somaliland tahay ,DAL MADAX BANAAN OO GOONI ISU TAAGAY .
GO AANKAA UUU SHACABKIINU QAATAY KU ADKAADA , KUNA SHAQEEYA .
SOMALILAND WAA DAL LAYAQAANNO , OO JIRA LAMANA DAFIRI KARO .
SOMALILAND WAA DAL  -WAA DAWLAD JIRTA – OO SHICIB LEH – OO DISTUUR LEH – OO CALAN LEH – 
SOMALILAND WAA DAL DUNIDA KU YAALA , WAXAANA QASAB KU AH BEESHA CAALAMKA INAY AQOON SADAAN OO ICTIRAAFAAN OO LA SHAQEEYAAN OO LA DHAQMAAN 
SOMALILAND JIRITAAN KEEDA LAMA INKIRI KARO , LAYSKAMANA INDHO TIRI KARO .
HADABA SOMALILAND WAA INAY IYADU IS ICTIRAAFDAA ISKUNA KALSOONAATAA ISKUNA FILAATAA .
SOMALILAND WAA INAANAY OGOLAAN SHIRQOOLADAN UN TU IYO CADAWGA SOMALILAND AY WADAAN .
SOMALILAND WAXAY U BAAHAN TAHAY GO AANO GEESINIMO LEH , OO AANAY CIDNA KA BAQAN ILLAAHAY MOOYEE .
SOMALILAND WAXAY U BAAHAN TAHAY INAANAY CIDNA U DABA FADHIISAN WIXII AY DALKOODA KA YEELI LAHAAYEEN .
CADAWGANA WAA INAAN MARNABA LAGA BAQAN , ILEEN DADKAAGII OO DHAMI WAY KU TAAGEER SAN YIHIINNE.
HOGGAAMIYAYAASHA SOMALILAND WAXAY U BAAHAN YIHIIN INAY GEESIYIIN NOQDAAN , KU DHACNA YEESHAAN .
SOMALILAND NA WAY KA GUULAY SANAYSAA CADAWGEEDA OO DHAN HADDII AY ISKAASHADAAN , MEELNA KA SOO WADA JEEDAAN .
SHACABKA SOMALILAND NA WAA INAY ISKAASHADAAN , 
ILLAAHAYNA ARINKOODA LA KAASHADAAN .
ILLAHAW DALKA IYO DADKA REER SOMALILAND TAAGEER OO GUULAYSII . 
AAAAAAAAAAAAAAAAMMMMMMMMMMIIIIIIIIIIIIIIIIINNNNNNNNNNNNNN
ALLAAH MAHAD LEHÂ