Shirwaynihi Beelaha Arab Uga Socday Bali Gubadle Oo La Soo Gunaanaday Lagana Soo Saaray 7 Qodob,

image
Baligubadle(SM)- Shirweynaha Beelaha Arab ee (Afgarad 3)oo mudo Sedex cisho ah ka socday Magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyey.
Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay oo la isku afgartey Qodob dhawra ku waasi oo mihaamad gaara u yeelan doona Beelaha arab.Go”aamadan ka soo baxay shirkan Beelaha Arab oo madashaasi laga Akhriyey ayaa waxay kala ahaayeen:
1- In Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland Uu Yahay Lama Taabtaan
2- In Beelaha Arab Ay Kula Noolaadaan Hab Nabad Galyo Beelaha Ay Ood Wadaagta Yihiin.
3- In Beelaha Arab Ay Nabad Galyada Ilaaliyaan Meel Kasta Oo Beeshu Degto.
4- In Beelaha Arab Ay Tix Geliyaan Is Dhex Galka Bulshada Iyo Wada Noolaanshaha Guud.
5- In Gudida Guud Ee Shirkii Beelaha Arab Lagu Magacaabay Oo Ah Gudi Horumarineed Ay Ahaan Doonto Mid La Shaqaysa Madax Dhaqameedka Iyo Xubnaha Dawlada Kaga Jira.
6- In Xidhiidh Joogto Ah Beelaha Arab Ka Yeeshaan Xaaladaha Ka Jira Deegaamada Ay Beelaha Arab Degaan.
7- Waxa Shirweynaha Beealaha Arab Go,Aamiyey In Wadada Hargeysa Ilaa Baligubadle Sida Ugu Dhakhsaha Badan Loo Dhamaystiro
Illaahay Talada Ha Ina Waafajiyo
Munaasibadan lagu soo gunaanadayey Shirka Afgarad 3 ayaa ahayd mid aad loo soo agaasimay isla markaana lagu soo marti qaaday Badiba Madax dhaqmeedka Beelaha Somaliland iyo Marti sharaf kale Waxaa ugu horeyn madashaasi hadal dardaarana ka jeediyey Sh.khaliil Cabdilaahi Axmed
Sudlaan Bare Xaaji Xuseen oo ka Hadley shirkan ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey una mahadceliyey Salaadiinta kala duwan ee ka soo qayb gashay shirkan Afgarad
Boqor Maxamuud waxaa uu tilmaamay ka madaxdhaqmeed ahaan in ay soo dhaweynayaa Go”aamada ka soo baxay shirkan beelaha arab kaga tashanayeen Mustaqbalkooda mudadii uu socday,waxaanu ilaahay ka rajeeyey in ay hirgalaan qodobadan ka soo baxay shirkan.
Waxaa iyaguna halkaasi ka Hadley Madax dhaqmeed kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdilaahi Sul.Cali,Suldaan Xasan Suldaan C/laahi,Suldaan Cismaan Suldaan Cali,Suldaan Axmed Daahir,Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koor,

Guud ahaanba Salaadiintii kala duwanaa ee Madashaasi ka Hadley ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ay ka soo qayb galaan shirka Beelaha Arab ee (Afgarad waxayna ku dheeraadeen in ay soo dhaweynayaan shirkan ay yeesheen Beelaha Arab iyo Qodobada ka soo baxayba,iyagoo xusay in Go”aamadaasi Dadka iyo Dalba faa”iido u yeelan doonaan,waxayna Beelaha arab ku amaaneen kuna Hambalyeyeen sida Habsamida ah ee Shirkoodu ugu soo dhamaaday Ugana wada hadleen Danahooda guud
waxaa halkaasi hadal Duco iyo Dardaaran ah ka jeediyey Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Sul.Cabdiqaadir waxanu hambalyey Beesha,waxanu goobtaasi ka balanqaaday in uu kaligii ugu deeqay (Boqol Awr) wadada isku xidha Magaalooyinka Hargeysa iyo Bali-gubadle

gabagabadiina waxaa soo gunaanaday munaasabadaasi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Sul.Faarax oo aad ugu mahadnaqay cid kastoo qayb ka qaadatay Qaban qaabada shirkani iyo cidii lacagta ugu deeqday dhismaha wadada Bali-gubadle iyo Hargeysa isku xidha.

Salaanmedia/Hargaysa