Shirweynihii Naadiyadda oo ka bilaabmay Burco iyo Nuxurka Warsaxaafadeed laga soo saaray Furitaanka Shirka.

image

Warsaxaafadeed ka soo Baxay Xafiiska Afhayeenka NAADIGA HALKARAAN ayaa lagu faahfaahiyey Ujeedada Shirweyne Ay Naadiyada Iyo Akadamiyadaha Akhriska iyo Qoraalka uga furmay Burco oo uu Marti Geliyey Naadiga HALKARAAN, Warsaxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexna Afhaayeenka NAADIGA Halkaraan ayaa u dhignaa Sidan:

 

Waxa magalada burco ee xaruta gobolka togdheer si rasmi ah uga furmay shirka heer qaran ee naadiyada akhriska ee dhammaan gobolada somaliland.shirkan oo ay martigelinayaan naadiga akhriska iyo qoraalka ee halkaraan kaas oo ka hawl-gala degmada burco ee xaruta gobolka togdheer.

 

Waxa shirkan ka soo qaybgalay naadiyada kala ah:

1. Naadiga akhriska iyo qoraalka ee halkaraan oo isagu martigelinaya (burco).

2. Naadiga bandhigga cilmiga iyo caqliga (borama,awdal

3. Naadiga ismaacil mire (laascaanood.sool)

4. Akaadiimiddayada akhriska iyo qoraalka ee himilo (caasimaadda hargeysa)

5. Naadiga akhristayaasha ee timacadde (gabilay)

6. Naadiga akhristayaasha ee berbera (saaxil)

 

Shirkan oo bilaamay shalay oo ay taariikhdu ahayd 22/06/2014 ayaa lagaga hadlay qodobo badan sida; horumarinta akhriska,dhiirigelinta qorayaasha da’ada yar,is-baridda akhristaha iyo buugga.

 

waxaana furitaankii shirkaas kasoo qaybgalay xildhibaanada golaha deegaanka sida xildhibaan c/risaq aar iyo xildhibaan c/rashiid ayagoo aad uga hadlay muhiimadda akhriska iyo qoraalka iyo weliba muhiimadda shirka naadiyadu uu u leeyahay umadda somaaliland.

waxay sidoo kale ku dheeraadeen doorka muhiim ka ah ee ay halkraan ay ugu jiraan degmada burco.

 

waxa sidoo kale hakaasi ka hadlay guddoomiyayaasha naadiyada akhriska ee heer qaran oo ku dheeraday muhiimadda shirkaas iyo faa’iidoonyinka uu leeyahay umadda.

waxaan lagu wadaa in qodob culus lagaga doodidoono shirka maanta lana soo gabagabayn doono isla gelinka dambe.

Guntii iyo gabogabadii waxa uu naadiga halkaraan u mahadnaqayaa dhamaan naadiyada dalka ee soo ajiibay martiqaadkii ay u fidiyeen waxay si gaar uga mahanaqayaan Qoraa cismaan salaax faarax ,Dr.maxamud maxamed c/lahi Cirro iyo mr siciid oo ah Maamulka Hotelka Gollis oo ka qayb Qaatay Qabsoomida Shirka.

Mustafe Osman Abdirahman (Teacher)

Afhayeenka Naadiga Halkaraan