Siilaanyo iyo Xukuumadiisii oo cagta saarey dhabadii ay Salaanka kaga dhaceysey Sanadka Danbe kadib markii Quwadii ugu weyneyd ee shacabkii reer Hargeysa ay kala noqdeen kalsoonidoodii. Qalinkii A/rahman Fidhinle.

image
Xukuumada Siilaanyo waxay lumisey Kalsooonidii iyo ilaadadii shacabkii doortey ee dirtey waana cadceed siidhaceysa oo khatarteeda leh.
Waxay Xukuumadii ay duugtey,daguugtey oo dumisey sharaftii, kartidii iyo karaamadii dawladnimo, waxay daafeysey, doc-faruurtey dadnimadii iyo damiirkii shacabka kadib markii ay la sibiq-dhaqaaqdey ganacsi dadban ,boob qaawan,qabyaalad iyo qaraabo kiil sida fiinta looga qayliyey taas oo weliba ku caanbaxey hadimo joogto ah,hagardaamo xadhig ah,habqan,habaqleysi iyo hormo qamaam joogta ah oo dano gaar ah leh laakiin aan weligood u-adeegin danaha guud ee qaranka. Waxaa shacabka reer Somaliland isku raaceen in aanu xisbigii kulmiye ee dhaley Xukuumada Siilaanyo uu dhiciyey oo aanu maanta ka talin JSL ee ay ka taliyaan koox yar oo si yar oo sibiq ah daaqadaha uga soo galey xayndaabka madaxtooyada ku waas oo hadafkoodii iyo hawraartoodiiba ay noqotey hada hiiftan, hanjabaad iyo hungo qaawan.Waxay Xukuumadii ay tixdeedii iyo tiraabteediiba ay isugu soo biyo shubatey guureyn iyo gucle orod ay ku maleegayaan duufaano iyo dabin isu maleeg siyaasadeysan iyaga oo ay isticmaalayaan weji-kumacaash iyo guulwadayaal daraban oo dalabka ku shaqeeya oo ah dan-la-orod, dirin-diir, daalimiin iyo daaniye digaafaaya oo sheegta isimo iyo salaadiin.
Waxay Xukuumadii miciinka iyo maganta la moodaayey ay ku danbeysey danbaska – mid Han gaaban, Hiyi iyo Hilaad kooban oo aan laheyn Tahan iyo Himilo fog oo ay shacabka ku qanciso uguna sahan tagto. Bal ila wadaaga qaar ka mid ah fashilaada qaawan ee maanta dul hoganeysa Xukuumadeena faan-jecel, dul yar, dareen nugul:
– Waxay ku fishilantey Amaanadii iyo dhawritaankii ilaadada, sinaanta, cadaalada, iyo hirgelintii shuruucdii iyo dartuurkii wadanka u-yaaley.
– Waxay ku fashilantey Xoriyatul qawlkii,xuquuqul insaankii, isxisaabintii, xilgudashadii iyo macaamiladii suubaneyd ee inaga dhaxeysey wadamada deriska ah oo xuduudihii inaga xidhey maanta.- Waxay ka jeesatey oo ku fashilantey la dagaalankii saboolnimada iyo la dagaalanka camal la’aanta ragaadisey dhalinyarada Somaliland.- Waxay u badheedhey in ay dhaqaale ahaan shacabka iyo ganacsatada reer somaliland kala dheereeyaan maadaama kefediii miisaanka cadaaladu uu dhinac uciirey.

Waxay Dan moodaa oo ay had iyo goor adeegsataa duul miliqsanaya oo miciyaha lisanaaya kuwaas oo ah agnaan iyo afgarooc deris ku nool ah oo uu ragaadiyey aargoosi iyo maseyr siyaasadeed oo ismiidaamin ah.

Waxay milan iyo maydhanaan qunyar socod ah ka dhigtey sadexdii waaxood ee qaranimada JSL buddhiga u-ahaa. Waxay xadhig la wada beegasatey oo albaabada ulaabtey Saxaafadii xorta aheyd ee mandaqadu inagu majeeran jirtey, waxay dhawaan xabsiga dhigtey mudaneyaal xildhibaano ah oo shacabku doorteen kuwaas oo aan weliba laga qaadin xasaanadii iyo karaamadii ay shacabka uga masuulka ahaayeen. Waxay ku fashilantey hufnaantii iyo akhlaaqiyaadkii suubanaa ee xukuumadeed, maadaama la arkey iyaga oo selelaaya saqda dhexe oo ku hugmaaya hadalo aan mariimneyn oo aan macne badan laheyn.Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London