Silaanyo oo dad Muslim ah dhiigooda ku doonaya in mudada loogu kordhiyo by Abdi Mustafe

MAQAAL

 

 

 

Markii Taleex lagu shirayey ee Khaatumo lagu sameynaayay Silaanyo dan kamuu gelin. Iminka markii doorashadi soo dhawaatay ayuu doonayaa in uu dalka dagaal geliyo si mudo korodhsi loogu sameeyo. Ciyaalka 12 jirka ah ayaa khiyaama dacawadan fahmaya. Shirkii Khaatumo lagu sameynaaya muxuu Silaanyo ciidan uugu diri waayay kala erya ee uu maanta u doortay. Maanta wuxuu door biday in uu dhiig dad muslim ah oo somali ah oo labada dhinac ba ah uu daadiyo si loo yidhaa dalku dagaal buu ku jiraa ee mudada madaxweynaha ha loo kor dhiyo.

Silaanyo miyaannu aakhira in lagu cadaabi doono arinkan foosha xun aannu ogayn. Weliba intaa waxaan ku darayaa waa la sii garanayay in uu dalka dagaal gelin doono si mudada loogu kordhiyo. Dagaalka maanta la qaadaa Somaliland wax uu yeelo mooyee waxba uuma soo kordhinayo oo mareykan iyo Ingiriis ba ka baxa Taleex bay yidhaahdeen. Ta inaga gaadha weynnu ka sheekeyn hadii laga hor yimaado dowladaha mucaawinada ina siiya. Silaanyo Somaliland in uu jar ka tuurayo cid waliba wey ogtay oo waa kaa maantana dagaalka u fasax qaatay si uu kursiga uugu sii fadhiyo.

 

Abdi_Mustafe123@yahoo.com