Silaanyo xaal ku wuu ku xunyay oo cashuurtii iyo mucaawinadii dalka qeybi buu miciin saday Abdi Mustafe

maqaal
Silaanyo in leexadu sidato waxa lagu gartaa ciroole iyo ciyaal ba lacag ayuu siiyay uu kaga dalbanayo inay warbaahinta Muse Biixi iyo Mohamed kaahin ka af-lagaa deeyaan. Wey caday in Silaanyo hadaba laan cuskanayo oo uu liito.
Silaanyo: Wadigan se liitee leexadu ku sida tee hadba laan cus kanayee maxaa luray naf taadii …
Arinku ma taagna keebaa dadku musharax ka dhigi la haayeen ee sharcigii xisbiga kulmiye ayaa la isku hayaa. Silaanyo isagoo qarinaya sharciga ayuu dadka ka doonayaa inay yidhaahdaan madaxweynaha ayaa hagaagsan. Waa fulay nimo uu Silanyo ka baqayo in uu Muse xisbiga dhexdiisa kula tar tamo.
Hadaba waxaan aad uula yaabay Suldaanka guud Mohamed Abdilqaadir waxa uu uugu kala eexday Silaanyo iyo Muse iyo waxa arimaha siyaasada geliyay isagoo suldaan guud sheegta. Weliba wuxuu ku sheegay in Muse iyo Mohamed yihiin munaafaqiin. Suldaanku miyaannu xishoonayn. Maaha hadal suldaan afkiisa inay ka yeedho ku wanaagsan. Suldaanku wax qaaday oo shaki malaha ee muxuu suldada gabowday ee uugu cimriga dheer u ceebeeyay.
Mise suldaan Mohamed Abdilqaadir wuxuu marayaa halkii awowgiisii lixdanka sano suldaanka ahaa ee lagu yidhi nacas nimada cimri dhererka ayuu kaga daray.
Muse Biixi oo maanta hadlay waxaan ka fahmay in uu isku kal soonyay hase ahaatee aanay xukuumadu isku kal soonayn. Arinka qaraxa Hargiesa na wey caday in ay xukuumadu wado si ay farta Muse iyo Mohamed kaahin uugu fiiqaan mase laga rumeysan maayo. Silaanyo waxba yuu saala salayn ee tartan xisbiga dhexdiisa ah baa laga rabaa. Umaduna wey ogtay in aan Silaanyo waxba xukumi karin oo aannu waxba xasuusan karin ee lagu shaqeysanayo oo cid kale dooneyso in ay dalka xukunto.

Abdi Mustafe