SIR CULUS:Musuq maasuqii ugu weynaa Somaliland oo uu ku tallaabsday Maayarka degmada Gabiley Shuceyb Maxamed Muse iyo cashuurti masaakiinta ee uu lunsday oo uu HOTEL BOOLI QARAN kaga qayb galay

Dhammaan akhristayaasha sharafta waan idin salaamay.

unnamed

Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Degmada Gabiley waxay in badan ku cel celiyeen in musuq maasuq aan loo dul qaadan karin  uu ku talaabsday Maayor Shuceyb,waxaanay HANTI DHAWRKA iyo xumuumadana ka dalbadeen in baadhis lagu sameeyo,balse maxaa ka fulay.

Sida xubno ka mid ah Hantidhawrku ii xaqiijiyeen,Xukuumada ayaa hor joogsatay in baadhistii ay sameeyeen
loo gudbiyo xeer ilaalinta, ka dib markay baadhistii la gashay xubno xisbiga KULMIYE ka tirsan,oo kala ah ninka magaciisa la yidhaa Cabdillahi Blacky iyo Wasiir Samaale,oo Maayar Shuceyb shuraako ku yihiin dhismaha HOTEL laga dhisay xaafad JIGJIGA YAR  ee magaalada HARGEYSA oo xaafada dadka degani u bixiyeen HOTEL BOOLI QARAN.

Tani waxay ka markhati kacaysaa musuq maasuqii lagu eedeynayey Maayarka degmada Gabiley oo cashuurtii dadka 
masaakinta kula shuraakoobay shaqsiyaad iyaguba HANTIDII QARANKA xalaaleystay waana sabata keentay in xildhibanada iyo shaqaalaha dawlada Hoose ee Gabiley,bilaa mushahar noqdaan , caga cafyadii iyo baabuurtii labada jeer miisaaniyada lagu daranyna la waayey meel ay ku baxday weliba dayn loo haysto Dawlada Hoose iyo Maayar Shuceyb.

Shacabka degmada Gabiley waxay aad u soo dhaweeyeen Xildhibaanada degamada Gabiley ee ku dhawaaqay inay kalsoonidii kala noqdeeen Maayar Shuecyb oo DHAARTII iyo CODKII bulshadu siiseyba ka dhigay hal bacaad lagu lisay cashuurtii agoomaha iyo dan yartana kaga qayb galay  dhismaha HOTEL BOOLI QARAN ee xaafada JIGJIGA YAR ee magaalada Hargeysa





Nuur Sheekh Xasan
Hargeysa