Somaliland Oo Nicholas Kay Kala Hadashay Hawl-gallada Ciidammadda Qaranku ka fuliyeen Taleex

image

“Waxa uu Wasiirku u sharaxay Nickolas Key ciidanka ay Somaliand ku tallo jirto in la sameeyo in uu yahay ciidan shuruucda dalka u yaala iyo kuwa Qaramadda Midoobay-ba”

“Wasiirku waxa uu u sheegay Ergayga in shirka Taleex Haddii ay Ogolaadaan inuu yahay mid waxyeelaynaya Nabad-gelyadda Somaliland” By: Khadar Cabdi Muuse

London (SM): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa Khamiistii la soo dhaafay kulan kula yeeshay magaaladda London ee caasimadda dalka Britain wakiilka xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Nicholas Kay.

Kulankaasi oo uu wasiirka arrimaha dibadda ku wehelinayay safiirka Somaliand u fadhiya magaaladda London Ambassador Cali Aadam Cawaale, ayaa lagaga hadlay arrimo badan oo aad u muhiim ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen ciidamadda ay Somaliland doonayso inay samayso ee la doonayo inay ilaaliyaan amaanka shirkadaha shiidaalka ka baadhaya Somaliland iyo ujeedada ay ciidamada qaranka ee Somaliland u galeen degmadda Taleex ee gobolka Sool. Waxa kale oo kulankaasi dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Nicholas Kay.

kulankaasi oo muddo saacado ah qaatay ayaa Sidoo kale lagu soo qaaday sidii ay Qaramadda Midoobay Somaliland uga taageeri lahayd horumarinta adeegyadda kala duwan ee dalka iyo sidoo kale sidii ay UN-ku ugu dhiirigelin lahaayeen dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha ah ee aan iyagu gacan ka geysanin sanduuqa horumarinta Somaliland inay ka qayb galaan. Waxa kale oo ay labadda dhinac kulankaasi ku faaqideen arrimo dhawr ah oo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa.

Safiirka Somaliland ee dalka UK, Cali Aadan Cawaale oo kulankaasi isagu goobjoog ka ahaa, ayaa ka dib markii uu kulankaasi dhamaaday khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in Wakiilka xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nickolas Kay, uu magaaladda London u tegay shirar uu kaga qayb galay, halka uu wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland isna hawlo shaqo u joogo dalka Britain. Waxaana la sheegay in kulankaasi uu ahaa mid soo codsay Mr. Kay maadaama oo uu fursad u helay iyada oo wasiirku joogo London.
Cali Aadan Cawaale, oo faahfaahin ka bixinayay kulankaasi iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay Waxa uu yidhi “Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo hawlo shaqo u jooga dalkan UK, ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa uu kulan la yeeshay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Nickholas Key oo uu wehelinayay wada hadal dheer oo saacado qaatay, waxaana kulankaasi lagu lafo guray xidhiidhka Somaliland iyo Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, sidii loo dardar gelin lahaa, loogana soo kaban lahaa wixii is-faham la’aan iyo is-mari waa ah ee hore u dhacay.”

“Waxaanu wasiirku u sheegay Nickholas Key inay Somaliland dal nabada jecel oo mar walba ku shaqeeya shuruucda dalka u taalla iyo kuwa caalamiga ah, iyaga oo ilaalinaya nabadgelyadda dadkooda iyo dalkooda iyo dadka kale ee la joogaba, wasiirku waxa kale oo uu sheegay Nickholas Key in dawladda Somaliland iyo shicibkeedu ay ka go’an tahay in ay ilaaliyaan Qarannimada Somaliland, gooni isku taaga Somalilandna uu yahay qadiyad shacab oo lama taabtaan ah, cidina aanay waxba ka bedeli Karin, hase yeeshee ay Somaliland diyaar u tahay in wixii ay la qaban karto, la qabato Qaramadda Midoobay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo nabad ah, oo deris wanaag uu naga dhexeeyo. Wasiirku waxa kale oo uu ka codsaday Nickolas Key in ay Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysaa dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ku dhiiriso inay si wanaagsan uga qayb qaataan wada hadallada u dhexdeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee ka furmay Ingiriiska haddana ka socda Turkiga, oo ay ku baraarujiyaan in arrintaasi ay tahay qadiyad weyn, in UN-ku ay gacan weyn ka siiso, Soomaaliyana ay arrintaasi ku taageerto, wada hadaladana ay aad ugu taageerto ayuu ka codsaday wasiirku” ” ayuu yidhi danjire Cali.

Danjire, Cali Aadan Cawaale, waxa kale oo uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland u sheegay Mr. Key inay Somailand tahay dal nabad u taagan, isla markaana ay jecel yihiin inay nabadgelyo iyo deris wanaag kula noolaadaan dalalka la jaarka ah. Waxaanu yidhi “Waxa uu wasiirku u sheegay Mr. Key in dawladda Somaliland ay mar walba dawlad nabadda u taagan, shacabkeeda iyo dalalka ay xidhiidhka fiican la leedahay ee daafaha ka xigana ay jecel yihiin inay nabad kula noolaadaan, laakiin xuduudaha Somaliland ay yihiin in la ilaaliyaa ay yihiin lama taabtaan, oo aan la aqbali Karin cid aan fasax ka haysan dawladda Somaliland in aan lagu qaban Karin shirar aanay dawlada Somaliand ogolayna lagu qaban Karin dalkeeda, arrinta ka taagan degmadda Taleex mar uu wasiirku kala hadlayay ergayga wuxuu u sheegay in ay tahay arrin waxyeelaysa nabadgelyada qaranka haddii la ogolaado sidaas awgeedna aanay ogolayn dawladda Somaliland, Taleexna ay tahay degmo ka tirsan dalka Somaliland lagana ilaalinayo wixii dhibato ku keenaya dadka halkaasi degan”.

Danjire, Cali Aadan Cawaale, waxa kale oo uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland u sheegay Mr. Key inay Somailand tahay dal nabad u taagan, isla markaana ay jecel yihiin inay nabadgelyo iyo deris wanaag kula noolaadaan dalalka la jaarka ah.

“Waxa uu wasiirku u sheegay Mr. Key in dawladda Somaliland ay mar walba dawlad nabadda u taagan, shacabkeeda iyo dalalka ay xidhiidhka fiican la leedahay ee daafaha ka xigana ay jecel yihiin inay nabad kula noolaadaan, laakiin xuduudaha Somaliland ay yihiin in la ilaaliyaa ay yihiin lama taabtaan, oo aan la aqbali Karin cid aan fasax ka haysan dawladda Somaliland in aan lagu qaban Karin shirar aanay dawlada Somaliand ogolayna lagu qaban Karin dalkeeda, arrinta ka taagan degmadda Taleex mar uu wasiirku kala hadlayay ergayga wuxuu u sheegay in ay tahay arrin waxyeelaysa nabadgelyada qaranka haddii la ogolaado sidaas awgeedna aanay ogolayn dawladda Somaliland, Taleexna ay tahay degmo ka tirsan dalka Somaliland lagana ilaalinayo wixii dhibato ku keenaya dadka halkaasi degan”ayuu yidhi safiirku.

Cali Aadam Cawaale, waxa kale oo uu tilmaamay in wasiirku u sharaxay Nickolas Key ciidanka ay dawladda Somaliland ku tallo jirto in la sameeyo ee ah ciidanka ilaalinta nabadgelyadda shidaal baadhista kaasi oo uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland inuu yahay ciidan shuruucda dalka Somaliland, kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa ururka ka masuulka ah xaalada la socodka amaanka iyo hubka ee Soomaaliya iyo Ereteria. Waxaanu sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo ay ka war hayaan samayntooda dhamaanba ururadaasi ku shaqada leh.

Isaga oo arrintaasi ka ahdlayayna, waxa uu yidhi “Waxa kale oo uu wasiirku u sharaxay Nickolas Key ciidanka ay dawladda Somaliand ku tallo jirto in la sameeyo ee ah, ciidanka ilaalinta nabadgelyadda hawlaha baadhista shidaalka uu yahay ciidan shuruucda dalka Somaliland u yaala, kuwa Qaramadda Midoobay iyo kuwa maanta ururada ka masuulka ah la socodka xaaladda dhinaca hubka iy amaanka ee loo yaqaano monitoring group inay yihiin ciidankaasi ciidan ku dhisan shuruucda dalka Somaliland isla markaana dhawraya kuwaasi lana socodsiiyeen, kana warhayaan ururadaasi, isla markaana ay Somaliland jeceshay in UN-ku ay ka warhayaan ciidamadaasi oo ah kuwo loo sameeyay inay ilaaliyaan nabadda dadka ajaanibka ah ee ka shaqaynaya Somaliland.”

Dhinaca kale waxa uu sheegay Ambassador-ku in Nickolas Key uu isna dhinaciisa soo dhaweeyay dhamaanba waxyaabihii uu wasiirku kala hadlay, waxaanu balanqaaday in Qaramadda Midoobay ay diyaar u tahay inay Somaliland kala shaqayso, isla markaana ay dhiirigeliso wada hadaladda u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. “Nickolas Key xagiisa wuu soo dhaweeyay dhamaanba arrimaah uu wasiirku kala hadlay si weyn ayaanu u soo dhaweeyay, waxaanu balanqaaday in UN-tu ay diyaar u tahay inay la shaqayso Somaliland iyo inay UN-ku diyaar u yihiin inay dhiirigeliyaan wada hadaladda u socda Somaliland iyo Soomaaliya iyo in UN-ka gaar ahaana xafiiska uu masuulka ka yahay ay arrintaasi dardar gelinayaan” ayuu yidhi danjire Cali Aadan.

XIGASHO: WARGEYSKA MADAXA BANAAN EE DAWAN