Suldaamada iyo cuqaasha miyaanay ilahay ka baqayn by Abdi Mustafe

MAQAAL
Suldaamada iyo Cuqaasha iyagoon cadeyn hayn Muse Biixi dusha ka saaray in uu Shaanida la qarxinayo ka danbeeyay miyaanay ilaahay ka baqayn. Cid ku cadaysay Muse Biixi arinkan ma jirto hadana Suldaamo iyo cuqaal baa inta dhaameel loo ruxay si indha li’ya dusha ka saaray. Waa calaamdaha marka aduunka la rogayo marka duqeyda umado iyagoo og cida wax samaysay ay hadana cid kale ku waabaan.
Waa la wada ogyay in dowladu shaanida tuurto hadana dadka suldaamo iyo cuqaal lagu sheegayaa intay lacag qaateen bay Muse Biixi dusha ka saareen. Calaamo la idinka muuji raga nimo daranaa oo aakhiro u aqoon la’aa.
Muse waxaan leeyey horena aan u qoray in uu dhoqso xisbi kale uugu biiro Kulmiye waxba uuma yaalaane. Suldaamada iyo cuqaasha arin kan lacagta ku qaatayna waxaan leeyey idinka oo nool ayaa ilaahay idin tusi sida denbigaa la idiinka gooyo.
Sakaraadka ayaa la idinku dhibi oo aydin xunbayn ileyn been baa dusha ka saar teen nin aydaan waxba ku cadeyn karayn e. Isla yaaba ilaahay baa risiqa bixiya e. Intiina shirka jaraaid qabatay ee arin aanay hubin oo aa lacag ku qaada teen ka been sheegayna waxaan ilaahay idiinka baryayaa in aydaan hurdada helin markaa u baahataan dulmi baa xukunteen oo waxaa u heysataan in Silaanyo risiqa bixiyo oo ilaahay waa ka fogaateen e. Nin walowba Muse Biixi u tag oo i saamax dhe intaan afku ku qaloocan.