Suldaan Aadan Faarax oo Taageerey Difaaca Qaranka Baaqna u diray shacabka Reer Somaliland.

image

SM..18 June 2014 Suldaan Aadan Faarax ayaa soo dhaweeyey taageereyna go’aankii ay xukuumadda iyo golayaasha qaranku wada jirka ugaadheen ee uu hormoodka ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxuud Siilaanyo, ee daaranaa difaaca Qaranka, Suldaanka ayaa hadalkiisa kubilaabey “Waxaan Taageersanay go’aankii uu gadhwadeeenka ka ahaa Madaxweynuhu dhamaan golayaasha iyo axsaabta qarankuna ku raaceen, sugidda xuduudaheena cidna udaba fadhiisan mayno, difaaca dalkeenuna waa mid xukuumad iyo shacaba aynu ka midaysanay, gor gortana aan galeyn”.

 

Suldaan Aadan Faarax isagoo sii wata hadalkiisii waxa uu ku darey “Waxaanu ixtiraam weyn uhaynaa Ciidanka Qaranka ee geesinimadda muujiyey, waxaan igana hambalyo iyo bogaadin udirayaa shacabka reer Taleex ee soo dhaweeyey ciidamadooda, awrtana uqaley ee sida fiican usooryeeyey, Taleex waxay kamid tahay magaalooyinka taarikhiga ah ee Somaliland, waana Xaruntii Sayidka, Waana goobtii uhoreysay ee gumaysiga lagala dagaalamey, Shacabka reer Sool dhamaan iyagana waxaan uga mahadnaqayaa sida wacan ee ay nabad gelyadda uga qayb qaataan dalkooda Somalilandna ujecelyihiin”.

 

Gabo gabagabadii waxaa uu Suldaan Adan Faarax shacabka iyo bulshadaba kula dardaarmey, in dhan looga soo wada jeedsado qas wadayaasha iyo dadka jecel hadimadeena. Dhamaana ay taageersanyihiin go’aanka geesinimadda leh ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland qaatey.