Suldaanka Beelaha Somaliland Oo 100 Awr Ugu Deeqay Jidka Isku Xidhi Doona Baligubadle Iyo Hargeysa

image

Hargeysa(SM)Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa 100 awr ugu deeqay jidka isku xidhaya Baligubadle iyo Hargeysa oo uu dhismihiisu socdo. Suldaanka oo shalay ka qayb galay xafladii gunaanadka shirweynaha Beelaha Arab, wuxuu madashii oo uu khudbad ka jeediyay kaga dhawaaqay xoolahaas uu ugu deeqay jidkaas, “Waxaan u yeedhayaa Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah guddoomiyaha wadada Baligubadle iyo Hargeysa, waxaanan ku wareejinayaa 100 awr oo aan jidkaas ugu deeqay ee iga guddoon.” Ayuu yidhi Suldaanka, oo uu xildhibaan Nacnacna ka guddoomay.
Dadweynihii madasha fadhiyay ayaa sacab iyo mashxarad ku qaabilay deeqda Suldaan Maxamed, waxaanu sheegay inuu go’aanka gaadhay ka dib markii uu ku qancay inuu dhismaha jidkaas ka qayb qaato.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo isagu deeqda guddoomay ayaa yidhi, “Suldaan Maxamed, abti waan kaa guddoomay deeqda, waanan kaaga mahadcelinayaa anigoo ku hadlaya magaca guddiga wadada Baligubadle iyo Hargeysa, shirweynuhuna wuu kuu mahadcelinyaa, Allena ha kaa jisaa’I siiyo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Salaanmedia/Hargaysa