Taariikhdda Aabihi Tacliinta Marxuum Maxamuud Axmed Cali ”Qaybtii Kowaad” Qalinkii Abdi-Shotaly

London(OWN)Shalay oo ay bishu tahay 03/05/2014, waa 31 guuraddii marxuum maxamuud Axmed Cali, waa waajib in aynu xusno, maalinta ay ina soo marto sanad walba, sidaas awgeed waxa waliba waxay leeyihiin tix raac iyo sababo marka ay kulla kulmaan loo daliil-sado oo raad-keedda laga sii guro, hadaba maanta aniga oo xusaaya illaah ha u nuuro godka oo denbi-giisa ha dhaafo’e Aaabihii tacliinta waa Marxuumkii weynaa ee Maxamuud Axmed Caliye, baa 1969kii markii uu xukunka maroorsaday keliggii taliyihii askari ahaa ee M.S.Bare. baa wuxu wasriika tacliinta ka dhigay Cabdirisaaq Maxamed Abubokor, oo ka mid ahaa golahii ka koobnaa 25ka maamulkii dalka la wareegay ee qoriga ku af-duubay ee magacoodda la odhan jiray Golaha Sare ee Kacaanka.

hadaba waxa aad ulla yaabay maamulihii dugsiga dhexe ee oodweyne oo ah dugsi boordan ah, anigay-gani aan wax ka barto, oo la yidhaaho Ibraahim Maxamedd Saciid kuna magac dheer Dhega-weyne ( weli nool oo hargaysa jooga) markii uu maqalay waxa laga dhigay Wasiirka tacliinta, subixii baa uu noo sheegay ninka laga dhigaywasiirka, oo yidhi Cabdirisaaq wuxu ahaan jiray Macalin diinta ka dhiga dugsiyadda hoose ee gobolkii la odhan jiray Waqooyi ( hadda waa Somalilande) sanadaddii 1961-1963ggii. maalin ka mid ah ayaamaha baa Aaabihii tacliitu Waa Maxamuud Axmed Caliye ( Allaa yarxamo), isaga oo kormeer hawleed ku maraya dugsiyadda, oo eegaaya sidda ay tahay wax-barashadu iyo tayadda macalimiinta buu ku soo beegmay sheekh, isaga oo aan cidi ogayn buu fasal ka saddexaad dhinac ka soo gallay isaga oo aan soo marin xafiiskii, wuxu arkay in aan macalin ugu jirin ee ay yihiin ardayddii, dabeed wuxu way diiyey yaa xiisadda idinku lahaa, maxayse ahayd markii uu isu sheegay, waxay ugu jawaabeen, xiisadu waxay tahay diin, waxana noo dhiga Cabdirisaaq Maxamed Abubokor, wuxu yidhi oo meeyey? waxay yidhaahdeen ardayddii muu iman saaka, mana xanuun-sanaayo, ka dib wuxu soo wadda eegay fasaladdii kalle oo macalimiintii wax u dhugayso, waxana uu arkay xafiiskii oo madhan, nusa saacahii markii la gaadhay buu yidhi ha la doono macalinkaa, waa loo tegay oo la soo helay, Maxamuud halkii buu kaga eryey macalinimaddii ninka maanta wasiirka la inooga dhigay, mudo dabadeed buu is qoray ciidanka qalabka sidda, loona diray wax barasho ciidan oo dawladda Masaaridu inagu caawisay dagaalkii ina dhex maray Axmaaradda 19964kii, isaga oo Ibraahim Maxamed Siciid ( dhego-weyne), noo taabtaabtay taariikhddii Aabahii Tacliinta, taas oo wixii uu soo maray halkaa nooga akhriyey, kana mid ahayd oodweyne oo waqcado lama ilaawaan ahi ka dhacday, hoosna aan idiinku sheegi doono, balse aan ku horeeyo jahli la dagaalanka iyo abaalka uu inoo gallay marxuumka aan xusayaa.

Ugu horayn waxan doonayaa in aan ku bayaamiyo dhacdooyin ka mid ah Halgankii taariikheed ee Marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ku magac dheer Aaabihii tacliinta Somaliland ( illaah naxariistiisa ha ka waraabiyo’e), waxana ka bilaabayaa micnaha Erayga “halgan” uu leeyahay iyo waxa lagu sifayn karo, kuwaas oo aad u fara badan qaalina u ah, laakiin maaha oo qudha sidda ay dadku u fasilaan ee ah dagaal lala gallo cadaw kaa soo hor-jeedda ee wuu ka sal balaadhan yahay, tusaale ahaan naf-taadda oo aad meelayso, madaxnimo aad u hawl gasho, caruur-taadda oo jaliga kalla dirirto iyo qaar kale oo aan qiyaas lahayn haddii la isku dayo in la soo koobo, laakiin dib u jalee-cidda taariikhaha xusuusta lihi waa ciidaa camaaray, waana noocyo kala duwan oo aad u kala fog, mid kastaa-na waxay ka turjuntaa fekred gaara wakhtiyo ad-adag oo loo soo jibaaxay, jeenigana lagu soo dhuftay, lahaydna waayo-heedda oo dhibaato lala soo maray, taas oo in yari u soo dhabar adayg-tay wax yaabihii ay kala kulmeen markii ay u jilib dhiga-yeen arimaha ay ka gilgi-sheen, haddii aan ku siiyo waxa ka mid ah, halgankii gobanimo doonka ee uu horseedka ka ahaa illaah ha u naxariisto’e Marxuum Maxamed.X.I. Cigaal, halgankii la dirirka aqoon la’aanta ee uu rabbi jana-diisa ha ka waraabiyo’e uu madaxa ka ahaa Marxuum Maxamuud Axmed Cali ee qadafoo-yinka fara badani ka soo gaadheen, isaga oo rabay in uu Ummadda reer Somaliland ka saaro mugdiga ku habsaday ee ay ugu wacan tahay aqoon la’aantu, oo gaadh-siiyo heer ay ku fekeraan oo hiigsa-daan asaagood, laakiin ay arintaasi u dhadhami wayday Ummad-deenii uu marxuumku wakhti-gaas isaga ah la kulmaayey, oo si weyn uga hor yimi, kana fahmay khalad arinkii uu waday Marxuum Maxamuud Axmed Cali, oo is yidhaaheen wuxu doonayaa in uu faafiyo Diinta Kiris-taanka, aniga oo halka ugu hoosaysa kugu siin doona marxalado aad u qalafsan oo xataa gacan loola tegay iyo sababta ay sidaasi u dhacday, bal hadda tix yar oo gaaban oo aanan ku tala gelin markii hore laakiin igu dhalatay markii aan holoday bal inaan biniixiyo Halganka uu Maxamuud u hub qaatay iyo heerarkii uu ka fekeraayey iyo sidda ay la ahayd ummaddii uu u gallay oo illaah tusi waayey waxa uu la doonaayo in uu u faa’iideeyo, iyo halka ay kalla joogeen oo iyana noqtay cirka iyo dhulku inta ay isu jiraan, labadaa fekradood ee aadka u kalla fog baan rabaa in aan idin soo hor dhigo una qaatay qalinka, aan ka sii horaysiiyo ee iga qabo:-

Tallo ma leh aduun-yadu, turxaan baa ka buuxdoo,
Turuntu-rooyin hoosiyo, waxay leeday tafaqaad,
Talan-taali loo dhigay, sidda teeb wax lagu qoro,
Xaraf qudha bal lagu tolay, misna laysku wadda taxay,
Way tilmaamo badan tahay, abid-keed ma toostoo,
Taran-teedu waa bade, hays odhan tol baad tiin,
Nina kuma tanaadoo, toolmoone nebiggii( csw),
Habeen buu ka tegay oo, tina kuma hadhaayee,
Wado weeye noo taal, oo taa la wadda mari,
Markay taadda gaadho’e, waar hooy horteed tasho,

Waa tarbiyad garaad-kuye, waa taajka sharaftee,
Ku talama wax barashadda, jahligaa ku tegayee.

Ruuxa taag u baxa-yee, tamash-layn halaabee,
Tuhun beeni galayee, waxoogaa yar taabtee,
Uu tunkiisu bararee, wan weyn oon la tumin weli,
Siddiisii tabaadiya, oon taws ka baqa hayn,
Inta tahan ku lumaysee, tumaatidda ay lee-dahay,
Inta tooray hoos taal, ku taraaray beenee,
Ifkan iyo tu aakhiro, loo tirinin meelee,
Tawxiidka eebiyo, toobaddii ka tegayee,
Tartar-kiisa daawaday, ayaamuhu ay taabeen,
Intay taar ku giijeen, ciil la tiicay-saa badan,

Waa tarbiyad garaad-kuye, waa taajka sharaftee,
Ku talama wax barashadda, jahligaa ku tegayee,

Taariikh-du waa hodan, tiirar-keedu weyn-yiin,
Nin-ba tuu ka galay baa, tiisii hor taallaa,
Tubata saxa ah ee wacan, kii nagu tiraabiyo,
Haduu tegay-ba Maxamuud, maxay dunidu ii tari
Aabihii tacliin-tiyo, tiirkii wax barashdda,
Garashaddii tilmaa-nayd, talladdii haboonayd,
Ina yidhi wax taran sadda, tacliin-tay ku xidhantoo,
Biya-hays ka tega-yiyo, togagaa dhul-kiinaa,
Haddii aad tayey-saan, gaajo way tegay-saa,
Cudur waa turqay-saan, cadaw waad tolay-saan,

Waa tarbiyad garaad-kuye, waa taajka sharaftee,
Ku talama wax barashadda, jahligaa ku tegayee.

Ummad-diina taba bara, ubad-kiina wax u tara,
Ruuxii tabcaayee, tafsiir-tiisa waxa u dhiga,
Tabaaladu ma gaadhee, ka ilaasha tuug-siga,
Ku Hagaaja tusmadoo, ka taageero noloshoo,
Toobiyaha u sheego, toos haw barbaa-reen,
Cago haysku taageen, u jifeeya teed adag,
Markaad taabo gelisaan, taliyaan hadhaw baad,
Aad tigaadda guran oo, tusan aad u guuriye,
Tiiraan-yadda iloobiye, qayr-kiina tiig-sadda,
Dugsi-yadda ku taag-sadda, la tartama asaagiin.

Waa tarbiyad garaad-kuye, waa taajka sharaftee,
Ku talama wax barashadda, jahligaa ku tegayee.

Sidda aan hore idiinku sheegay marxala-daha gacanta lagu saaray waxa ka mid ahayd sidda ay sheegayso taariikhdu, waxa jirtay oo uu doonaayey in Jaamacadda hadeer ku taalla dalka Sudaan ee la yidhaaho Umul-durmaan, intii aan laga dhisin dalkaa, in laga dhiso Oodweyne, akhris-toow hadaba maalin ka mid ah ayaamaha buu Maxamuud (Allaa yarxmo’e) tegay Oodweyne isaga oo raba in uu hir-geliyo arin-kaas oo ummadda degen halkaa ka dhaadhiciyo wuxu u socdaa in ay tahay jaamacad laga dhiso Oodweyne, dabeed wuxu shir u qabtay dadkii degenaa magaaladda oo uu ugu yeedhay geed weyn oo ku dhex yaal oodweyne oo la yidhaaho Dan-Laawe, markii ay ku soo urureen ee uu u sheegay arinta uu u yimi in ay tahay jaamacadda aan kor ku xusay iyo siddii loo dhisi lahaa, bay mar qudha yidhaaheen ” kii aan wax ku dhufanaw, Alle iyo Nebi ka go’o(csw),” Marxuum maxamuud Axmed Cali Illaah ha u naxariisto’e waxa la sheegay in uu 3 maalmood geedkii Dan-Laawe hoos yiil isaga oo aan afkiisa haba yaraatee wax oon ahi gelin.

Halkaa markay maraysay baa nin uu warqad uu ku qoray aayad qu’raan ah (Suuratul nuux ka mid ah) uu u dhiibay, kuna yidhi waxad u gaysaa IImaan Dhoore oo illaah raali ha ka ahaadee ahaa nin somaliyeed oo noqdda Xog-haye ama dhiisay ( Distirct Commissioner) kii ugu horeeyey oo markaa fadhiyey Hargaysa, isaga oo aayadda ugu sheegaaya waxa kaga dhacay Oodweyne iyo sidda loo galay, waxay ahayd aayadu sidda-tan ” Inii dacwtu qawmii laylan wa nahaaran, falam yasid-hum illaa firaaran” oo micna-heedu yahay ” illaahayaw ummadaydda hadh iyo habeen-ba waan u yeedhayaa, waxna uma kordhaan, in ay iga sii ordaan mooyaane” waxa la yaab leh, Maxamuud wuxu is yidhi warqad carabi ah u qor Iimaan dhoore, laakiin wuu ka baqay oo wuxu is yidhi warqadda carabiga ah way akhriyi oo u geyn maayaan ama way jeex-jeexi, dabeed wuu ka noqday, oo aayadaas kor ku qoran buu u qoray, sababta oo ah, wuxu u fekeray ma googoyn doonaan mana tuura-yaan qu’raan haddii aad u dhiibto ee way ka cabsoon doonaan in Illaah u cadhoodo oo ay cadaab ku mutaan, gaadhina doonto Iimaan Dhoore, siddii baana ay noqotay, oo warqaddii waxa loo geeyey IImaan Dhoore, waanu fahmay in  dhibi ku dhacday MaXamuud( Allaa yarxamo’e) isna inta uu Baabuur u soo diray buu warqad ay aayad kale ku qoran tahay buu ugu soo dhiibay darewalkii oo ku yidhi gacanta ka saar Maxamuud, una qaad oo ku celi Burco, aayadu waxay ahayd ” Asbur kamaa sabaral ayuub” oo micna-heedu yahay ” u samir siddii uu u samray nebi ayuub” waxana filayaa in aad la socotaan qisaddii Nebi Ayuub oo ahayd samir uu qof samro kii ugu dheerayd laguna cibro qaato. Dadka ay waraaqaha u kalla dhiiba-yeen may fahansa-nayn sababta ay qu’raanka isugu dirayaan iyo ujeedadda ku jirta, haddiise Carabi lagu qoro ama Ingiriisi uma ay kalla geeyeen, intaasna kuma dhama taariikhdda Marxuumku uu leeyahay ee waa bad ee buugga soo bixi doona baa si wacan ugaga dhergi doontaan haddii alle yidhaaho.
5555871
Lasoco Qaybta Labaad
Qore:- ABDIRAHMAN JAMA AHMED.
(Abdi-Shotaly),