TACSI…..Tacsi ku socota Dr. Cisman Sheekh Axmed Nuur Odowaa oo hooyadii ku dhimatay magaaladda Hargaysa.

Dhammaan maamulka iyo xubnaha Hay’adda samo falka ee Tog-Wajaale Foundation (TWF),ee ku kala sugan dunida dacaladeeda,waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan, Dr. Cisman Sheekh Axmed Nuur Odowa iyo dham aan tafiirtii Sheekh Axmed Nuur,oo Hooyadood,Xaliimo Obsiiye Waabari,ay habeenkii Axada, 15 June,2014,ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Waxaan Allaha awooda leh uga baryeynaa, inuu marxuumada,Xaliimo Obsiiye Waabari,naxariistii janno Fardawsa ka waraabiyo,danbi dhaafna u fidiyo , iilka u nuuro , u waasiciyo, neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir iyo iimaan innaga siiyo, aamiin aamiin, aamiin.


Maamulka Hay’ada samo-falka ee Tog-Wajaale Foundation (TWF)

unnamed