Tanaasulka Muuse Biixi iyo Xeelada Siyaasadeed ee ku ladhan!! ‘Dagaalkii wejiga loo bedelay weerar soconwaa’

11

Tanaasulka Muuse Biixi iyo Xeelada Siyaasadeed ee ku ladhan!!

‘Dagaalkii wejiga loo bedelay weerar soconwaa’

U tartanka musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi wareegii hore ayuu ku hadhay, kadib markii Guddidii dhexdhexaadinta ee Golaha Guurtidu ku dhawaaqday sharcinimada liiskii Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ay soo saareen guddidii shir gudoonka ka ahayd shir weynihii Xisbiga ee uu Wasiir Caddami hogaaminayey, islamarkaana uu Muusena aqbalay, halkaana waxaa ku  idlaaday rajadii  uu muuse ku doonayey hanashada Jagada Musharaxnimada xisbiga kulmiye, waxaana muuse la soo gudboonaatey kala doorashada laba go’aan oo xun, somaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa ninka laba go’aan oo xunxun kala doortay ayaa wax kala doortay markaa manta muuse labadaas ayaa horyaalay oo kala ah:

  1. inuu iscasilo oo uu ka baxo xisbiga kulmiye oo uu taageero xisbiyada qaranka ee UCID ama wadani halkaasna uu dagaal ka soo galo
  2. inuu sameeyo sidii uu Kulmiye u sii dhexfadhiyi lahaa oo ah sidanuu sameeyey hadda.

 

haddaba maxay mid waliba saamayn ku yeelan kari lahayd xisbiga kulmiye:

Haddii uu Muuse sameynlahaa qodobka koobaad ee ah in uu iscasilo oo uu ka baxo xisbiga kulmiye oo uu taageero xisbiyada qaranka ee UCID ama wadani halkaasna uu dagaal ka soo galo, waxaa dhici lahayd in taageerayaashiisa  lagala hadhi lahaa 35% iyadoo loo adeegsanayo hantida qaranka laguna qancinaayo muxuu idiinku hayaa iyo xeelado siyaasadeed oo la mid ah, waxaana dhici lahayd in faaiido badani ugu jiri lahayd xisbiga Kulmiye, Muuse wuxuu noqon lahaa nin cadhooday laga badi.

Haddii aynu eegno qodobka 2aad oo ah kan muuse doortay ee sii dhexfadhiga xisbiga kulmiye, waa qodob halis ku ah xisbiga kulmiye waana tanaasul xeeladaysan waxaana ay ka dhigan tahay, gabaygii raage ugaas ee ahaa

“ ALLAHAYOOW NIN II DARAN MAXAAN DAAFTA HORE SEEXSHAY’

‘NIN I DAAQSANAAYANA MAXAAN DAAFIGA U KARIYEY’

‘JIDHKU NIMAANU DOONAYN MAXAAN HADALKA DEEQSIIYEY’

‘ISAGOON DIGNIIN QABIN MAXAAN KAGA DEYAAN SIIYEY’

Haddaba muuse waxa uu siilaanyo ku legdi karaa sidan uu iminka sameeyey talona may seegin, isagoo kulmiye jooga ayuu 65% u dirayaa xisbiyada mucaaradka ah, weji ku macaashka laftoodana ulbuu kaga soo dareerin doonaa xisbiga kulmiye.

 Markaa waxaan leeyahay Muuse waa siyaasi, Siilaanyona waxaan Leeyahay Muuse kuu tanaasulye siday kugu tahay!

Waa qalinkii: saleebaan ibraahim maxamuud