Tariikhda lama maqal nin yidhaa ina-adeer kay ayaan gartiisa gelayaa by Abdi Mustafe

MAQAAL
Weli maynaan arag nin ina adeer kii iyo nin kale u gar naqa. Sidaa waxa ka dhigan Suleiman Gaal oo yidhi Silaanyo ayaan gartiisa gelayaa. Iyagana waxa ka sii caqli xun ka yidhi waan ka aqbalayaa wuxuu Silaanyo ina adeer kii soo gooyo. Hadaba Muse Biixi waxaan u sheegayaa in Soamliland oo dhami ay ogtay in uu gar leeyay oo shalay markii Silaanyo Gudoomiyaha Kulmiye ahaa wixii u sameyn jiray loo diiday Muse markuu gudoomiye noqday in sidii oo kale Kulmiye ku maamulo oo sharciga xisbiguna u ogolyey. Hadaba Muse maanta waxa la gudboon kolay Suleiman gaal gar siin maayo e in isaga iyo taaeera yaashiisu ka baxaan Kulmiye oo ku biiraan labadan xisbi mucaarad mid uun oo ay halkaa ka ridaan Silaanyo.
Muse maanta ma joogo meel looga ogolaado in uu Xisbiga Kulmiye u fara banaanado sidaa darteed ha diido haday guurtidu mudo kordhin u sameeyaan Silaanyo oon wax suurta gala aan ahayn dabeedna xisbi kale ha ku biiro oo lug iyo faras ba ha u fuulo sidii aan Silaanyo u soo bixi kari lahayn. Mida kale Muse shicibka ha u sheego in aan Silaanyo waxba xasuusan ileyn aad buu uuga war hayaa xaalada Silaanyo e.
Silaanyo waxaan leeyey dalkii khal-khal baad gelisay, guryihii baa caruurta iyo xaasaska loogu daadanayaa, meelo badana qarxiya baad ku talisay sidaa awgeed waxaan ilaahay kaaga barya yaa in ilaahay cimriga kuu soo gaabiyo si dadka iyo dalkuba kaaga reystaan. Amina Weris na waxaan leeyay sii qorsheyso halkaad ku nolaan lahayd madaxtooyada adiga iyo Morgan ba dhoqso ayaa uuga baxaysaan madaxtooyada e.