TUJAARTA DHIIGMIIRATADA AH -ILAAHAY U BARYA INU INAGA QABTO.

image

TUJAARTA DHIIGMIIRATADA AH -ILAAHAY U BARYA INU INAGA QABTO.

Mucjisada aan wadanki ku soo arkey ee cid dadka iyo dalka ka qabata oo aan ALLE ahayni jirin dadow ma ogtihiin.

Tujaarta wadanki joogta sharci ma qabto, cashuurna ma bixiyaan, sida xaqiiqda ah dawlada iyaga ka awood weyn,haday sidan u socotona waxaa hubaal ah in waxyeelo iyo dib u dhac dhan walba ah wadanka ay u horsedayaan , dadkuna uu ka dhaxli doono fakhri badan iyo hour mar la’an.

Tujaar aan badnayn baa wadanka dhiigmiirta, oo waxay doonaan sameeya cidina aanay waxba u sheegi Karin haday dawlad tahay iyo haday waxgaradkale tahayba.

Waxaan u kuur galay dekeda weyn ee Berbera, waxa mucjiso igu noqotay markaan arkay tujaarti wadanka oo cashuurtoodu ay ka yartahy cashuurta dadka aan maalqabeenka ahay, in badana aan laba cashhuray ee aad moodo dawlad gooniya, oo wax walba oo usoo degaya dad u shaqeya ay soo saarayaan oo xitaa an laga eegaynba mararka qaarkood, intaso keliya maaha ee marka laso saaro , gadhiga qadaya uu yahay mid ay leeyihin, bakhaarka lagu rogaya yahay mid ay leeyihin,xitaa ay iyagu tafaariiq iyo jumladba ku iibinayaan, waliba sixirkay doonaan ku iibinayaan, waa inaanu shilinba cidkale ka faaiidin, garo oo cidkalena bucshuradooda ma keeni karto.

Waxa ugu yar oo qof walo reer Somaliland ahi arki karaa,gawaadhida ay leeyihin raga kooban ee maal qabeenada ahi ma bixiyaan cashuurta wada marista, oo uu ku qasbanyahay gaadhi wal oo wadanka jooga, waa wax aanan waligay fileyn rumaysteena ilaa aan wadanki tegey oo u kuurgalay, waxaa hubaal ah inay sharciga ka sareeyaan, samayna karaan wax wal oo ay damcaan.

Markaan dhanwalba ka eegay oo dadkii shacabka ahaa waraystay, waxaan meel aan u dhaafo wayey in ALLE mooye aanay jirin cidkale oo nimanka dhawrka ah joojinkara , dulmiga iyo tacadiga ayku hayaan shacabka, dalka iyo waliba dawlada.

Waxaan ka codsanlaha qof walba oo muwadin ah kana madax banan qabyaalad inuu ALLE u baryo inuu wadanka ka qabto nimanka maalqabeenka ah ee sida xun u isticmalaya awoododa

Mohamud Jama

LONDON