UN & Midowga Afrika Oo Soo Dhaweeyey Heshiiskii Maamulka Koonfur Galbeed

image

Jun 24,2014 Muqdisho(SM)-aramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyey heshiiskii shalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee lagu soo afjara khilaafkii ka taagnaa dhismaha maamulka Koonfur Galbeed.
Labadii dhinac ee ku kala dhawaaqay maamulada Sadexda iyo Lixda Gobal ka kooban ayaa qaatay inay wada dhistaan maamul ay ku mideysan yihiin oo ka kooban sadexda gobal ee Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.
Heeshiiskan ayaa soo afjaraya khilaaf muddo dheer ka taagnaa dhismaha maamulka Koonfur Galbeed oo fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.
Kulankii heshiiska lagu saxiixayey ayey shalay ka qeyb galeen Madaxda Dowlada Federaalka iyo wafuud caalami ah oo ka kala socday UN, Midowga Afrika, IGAD iyo MIdowga Yurub.

Salaanmedia/Mogdisho