Ururka Al Shabaab ee ka soo horjeedo joogitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya, ayaa waxay sheegteen masuuliyada weerarkii xalay lagu qaaday Deegaanka Mpeketoni, oo 20km u jirta Magaalada Lamu ee Gobolka Xeebta. Qoraal ay soo saartay Al Shabaab, laguna baahiyay Warbaahinta ku hadasha afkooda, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Ciidamadoodu ay ka dambeeyeen dil wadareedkii xalay ka dhacay Deegaanka Mpeketoni. Qoraalka waxaa lagu sheegay in weerarkaan loogu aar-gudaayay Culimada Muslimiinta ah ee lagu ugaarsanaayo Magaalada Mombasa, iyadoo ugaarsigoodu ay geysanayaan Ciidanka Kenya, sida ay sheegtay Al Shabaab. Shabaabku waxay sheegeen inay weerarkii xalay la beegsadeen hoteelo, baanki iyo xaruumo kale oo ku yaala Deegaanka Mpeketoni, oo saakay lagu arkay meydad fara badan oo si wadareed leesku dul saaray. Dowladda Uhuru Kenyatta uu hogaamiyo, ayaa caqabad dhanka ammaanka ah waxay kala kulmeysaa dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, oo la tilmaamo inay ka fir fircoon yihiin Ciidanka Kenya. Kenya waxaa lagu sifeeya dal uu masuq maasuqu ku badan yahay, taasina ay shaki weyn gelineyso xaqiijinta ammaanka ee dalkaasi. Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay weerarka dhiigga badani ku qubtay ee ka dhacay Deegaanka Mpeketoni.

image

 

 

 

 

 

 

 

Ururka Al Shabaab ee ka soo horjeedo joogitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya, ayaa waxay sheegteen masuuliyada weerarkii habeerhore lagu qaaday Deegaanka Mpeketoni, oo 20km u jirta Magaalada Lamu ee Gobolka Xeebta. Qoraal ay soo saartay Al Shabaab, laguna baahiyay Warbaahinta ku hadasha afkooda, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Ciidamadoodu ay ka dambeeyeen dil wadareedkii xalay ka dhacay Deegaanka Mpeketoni. Qoraalka waxaa lagu sheegay in weerarkaan loogu aar-gudaayay Culimada Muslimiinta ah ee lagu ugaarsanaayo Magaalada Mombasa, iyadoo ugaarsigoodu ay geysanayaan Ciidanka Kenya, sida ay sheegtay Al Shabaab.

Shabaabku waxay sheegeen inay weerarkii xalay la beegsadeen hoteelo, baanki iyo xaruumo kale oo ku yaala Deegaanka Mpeketoni, oo saakay lagu arkay meydad fara badan oo si wadareed leesku dul saaray. Dowladda Uhuru Kenyatta uu hogaamiyo, ayaa caqabad dhanka ammaanka ah waxay kala kulmeysaa dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, oo la tilmaamo inay ka fir fircoon yihiin Ciidanka Kenya.

Kenya waxaa lagu sifeeya dal uu masuq maasuqu ku badan yahay, taasina ay shaki weyn gelineyso xaqiijinta ammaanka ee dalkaasi. Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay weerarka dhiigga badani ku qubtay ee ka dhacay Deegaanka Mpeketoni.

Salaanmedia/Mogdisho