Waa kuma Vladimirovich Putin? Qaybtii 2baad

unnamed

Sallaamu-llaahi Calaykum Ramadaan kariim ayaan leeyahay dhammaan umada Muslimka ah gaar ahaan ta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.

Waa markale iyo qormadeenii labaad ee aynu kaga waramaynay taariikh nololeedka Madaxwayhaya haatan ee dalka Ruushka Vladimir Putin.

Sanadkii 2004 ayaa dib loogu doortay Putin madaxwayne . Bishii April 2005 wuxuu sameeyay booqasho taariikhi noqotay oo uu ku tagay wadanka Yuhuuda (Israaiil),isagoo kulamo la yeeshay Rayiisal wasaarihii waqtigaas ee Areil Sharon. safarkaas oo noqday kii ugu horeeyay ee ku tago hogaamiye Kirimilin ahi.

Inkasta oo ay xadidnayd hadana Putin isku muu soo istaagin jagada Madaxnimo 2008.isla sanadkaas intii lagu gudo jiray waxa la kordhiyay mudada uu kursiga fadhiyayo madaxweynuhu oo awal hore ahayd afar sano,halka laga dhigay lix sano. Dmitry Medvedev markii ku guulaystay tartankii doorashada ayuu Rayiisal wasaare u magacaabay Putin,isaga oo noqonaya mid kamida hogaamiyayaashii ugu waqtiga dheeraa ee dalka ruushka soo mara sida Helm oo sideed sano haystay

Markii Sadexaad ee uu Madaxwayne Noqdo

Bishii March 4,2012 ayaa mar sadexaad loo doortay jagada madaxwayne ee dalka.muddo gaaban kadib ayuu Medvedev u magacaabay Rayiisalwasaare.

December 2012 ayuu qalinka ku duugay sharci mamnuucaya caruurta Ruushka ee Maraykanku qaato.

kaas oo dhaqan galay bilawgii 2013 bishii Janaury 1-deedii.

sida wararku sheegayaan ku dhawaad ilaa 50 caruur ah oo ku jiray talaabadii ugu danbaysay ee uu Maraykanku dhalasho ku siin lahaa, ayuu ku soo beegmay qodobkaa oo Putin saxeexay.

Madaxwayne Putin wuxuu adkeyay xidhiidhkuu la lahaa maraykanka sanadadii ugu danbaysay.Barack Obama ayaa baajiyay buuqasho uu ku tagi lahaa Ruushka bishii August. isagoo Obama kaga jawaabaya magangalyada ay Ruushku siiyeen Edward Snowden oo u shaqayn jiray haayada Sirdoonka maraykanka ee (CSI).

wax qabadyada aan putin lagu iloobi doonin waxa kamid ah sharcigii uu ku joojiyay dadka isku jinsiga ah ee is guursada kaas oo dad badan ka cadhaysiiyay isagoo sheegayay in aanay dhaqan u lahayn Ruushku dhaqamada noocaas ah. dadka xeerkan ka soo horjeedsaday ayaa ku baaqay in la qaadaco Ciyaaraha Olambikada ee Sochi ka dhacayay,iyagoo ku doodayay inuu Putin xuquuqda Aadamaha meel kaga dhacay iyo xoriyadoodaba.

Hubkii Suuriya Ee Sunta ahaa

September 2013 ayay xiisadu ka dhex qaraxday maraykanka iyo Suuriya kuwaas oo salka ku haya Hubkii Kiimikada ahaa ee Suuriya lagu tuhmi jiray, isagoo maraykanku ku hanjabay hadii ay hubka iska soo wareejin waydo inuu weerar xagga cirka ah ku qaadi doono oo uu duqayn doono.Maraykanka ayaa markale ku dhawaaqay inuu ka noqonayo duulaanku ku baaqayay iyadoo  ay ugu wacnayd wada shaqaynta uu la lahaa wadamada Ruushka shiinaha iyo wadama ku dhex jira, si loo gaadho heshiis lagaga soo wareejiyo Hubka kiimikada ah.

Septemper 11,2013, ayaa laga baahiyay maqaal cinwaankiisu ahaa  Digniintii Cudur daarka ee ka timid Ruushka,’’ iyadoo lagu daabacay wargayska The New York Times. sida maqaalka lagu xusay Putin ayaa si toos ah uga hadlay doorka maraykanka ee uu kaga soo hor jeedo Suuriya. waxa kaluu ka dhawaajiyay hadii Suuriya la weeraro inay ka dhalan karto dhacdooyin cidhib xumo ku reebi doona Bariga dhexe.

 

Xigasho: http://www.biography.com/people/vladimir-putin-9448807#awesm=~oIqQ18UcLJtc35

 

Qalinkii:Max’edshaakir Siciid Cabdi (Shaakir)

Email:moeshakir@live.com

 

Mahadsanid