“ Waa Nasiib Daro in Somaliland lagu Xuso Mar kali ah War bixintii ay bixisay ku xigeenka Xoghayaha Arimaha Debeda ee Maraykanka”. Xoghaya Guud ee Xisbiga Waddani ee North Am

unnamed

 

 

 

 

 

 

 

 

aMarka ugu horaysa waxa mahad is leh ilaahay ina abuurtay. Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin dal iyo dibedba. Waxaan sidoo kale halkan ka hambalyaynayaa shacabka munaasibadii 18 may ee 23 guuradii dib ula soo noqoshadii Somaliland oo aynu dhawaan u dabaal degnay.

 

Intaa ka bacdi, waxaan in yar ka taaban lahaa war bixin ay bishan horaanteedii bixisay Ku xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibeda ee Wadanka Maraykanka Wendy Sherman. War bixintaas oo runtii khusaysay guud ahaanba geeska Africa iyo Gaar ahaan Dalkii laysku odhan jiray Somalia. Waxaan isku dayay in aan si fiican u dhuuxo warbixintaas hase yeeshee waxa ii cadaatay in warbixintaas lagu xusay Somaliland Mar kali ah iyadoo la barbar dhigay Puntland. Hadaba, Waxa aniga shakhsiyan iiga soo baxay dhawr arimood.

 

  1. Dedaakii Siyaasada Arimaha Dibeda ee Somaliland Samaysay: Somaliland waxay Soo martay marxalado kala duwan oo ay ku soo caano maashay. Somaliland waxay xidhiidh dhaw iyo mid shisheba la yeelatay wadamo badan, hase yeeshee dedaal dheer ka bacdi Somaliland way ma ay helin ictiraaf caalami ah. Su’aashu waxa weeye, xageebay wax ka socon la’yihiin?
  2. Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo: Somaliland ayaa xukuumadihii kala danbeeyay ay ku dhaqmi jireen Istiraatijiyad iyo siyaasad cad oo ahayd in aan lagu dhex milmin Siyaasada madow ee Somalia, isla markaana aan wax xidhiidh ah lala samayn magaca Somalia iyo wixii wax ku raadinayaba. Hadaba, Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa iyadu bedeshay siyaasadii xukuumadihii ka horeeayay isla markaana furfurtay siyaasadii shirarna la gashay Somalia iyo waliba wadahadalo ilaa hada socda. Faa’iidada iyo khasaaraha siyaasada furfurani waa mid aan u dhaafayo akhristeyaasha hase yeeshee,
  3. waxa meesha ka baxay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd wadamo badan iyo waliba dedaalkii Wasaarada Arimaha Dibedda oo aan muuqan kuna soo koobmay oo kali ah in shirkado shisheeye wadanka la keeno.
  4. Xafiiska Somaliland ku leedahay Maraykanka: ayaa isagu ah hal bawle aad iyo aad uu dalku ugu baahan yahay wax qabadkiisu maadaama oo uu ku yaalo dalka Maraykanka oo aad ugu dhex jira siyaasada aduunka. Xafiiskan ayaan gebi ahaanba la arag shaqadiisa lana ogeyn waxa uu dalka u qabto. Sidoo kale xafiiskan ayaan xitaa xidhiidh dhaw la lahayn jaaliyadaha reer Somaliland eek u dhaqan Maraykanka.
  5. Xafiiska Somaliland ku leedahay UK: Waa Xafiis aan lahayn awood badan oo uu kaga faa’idaysto fursadaha siyaasadeed ee horyaala. Dalka UK ayaa ah midkii isticmaarsan jiray Somaliland taariikh dheerna la leh. Intaa marka laga yimaado UK waa dal aad faraha ugula jira Siyaasada Somalia, hase yeeshee waxa nasiib daro ah in xafiiskaasi aanu u adeegin danaha Somaliland oo uu fadhiid yahay sida ka maraykanka.
  6. Xafiiska Somaliland ee Ethiopia: Waa Xarunta ugu mihiimsan Africa waana xarunta midowga Africa. Waa meesha ugu haboon ee Somaliland ka samaysan karayso saaxiibo African ah oo la shaqeeya. Hase yeeshee Xafiiskan ayaa ah mid isaguna fadhiid ah oo aan xitaa si fiican uga shaqayn xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia iska daa in uu u sameeyo Somaliland saaxiibo kale e.

 

 

Guntii iyo Gebo Gebadii Xukuumada Somaliland waxa looga fadhiyaa dedaal ka badan intan manta muuqata haday noqoto dhinaca arimaha dibeda, waayo qarankani waxa uu u baahan yahay in uu helo ictitiraaf caalami ah waxaana haboon in awooda la saaro meelaha muhiimka ah ee aan kor ku soo xusay.

 

 

Allaa Mahad Iska Leh,

 

Maxamed-Nasir M Dhoore;

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ee North America

BA-Law, MS-Criminal Justice

Minneapolis, MN.

dhoore@live.com