Waddo isku xidhaysa Degmada oog iyo Degmada Garadag oo la dhagax-dhigay

Waddo isku xidhaysa Degmada oog iyo Degmada Garadag oo la dhagax-dhigay

download

June 30, 2014

 

Degmada  (SM)-Xaflad lagu shaacinayo bilowga waddo laami ah oo isku xidhi doonta Magaalooyinka Oog iyo Garadag  ayaa maanta lagu qabtay goobta la filayo in laga bilaabo wadadan oo ku taala Bariga Degmada Oog ee Gobolka saraar.

 

Xafladan lagu shaacinayo bilowga wadada isku xidhi doonta magaalooyinka Oog  iyo Garadag  oo dhan 41.83Miles, waxa ka soo qayb-galay Injineero, Ganacsatada Waxgaradka  dhalinyarada qorbagoogta Beelweynta Cali Bare ee Deegaanka Oog, Caynaba, Garadag Ceeldhaab, Badweyn, Gowsaweyne, Gudheeli,  Qoridheere, Berkeda Cali Xirsi waxaa ka le oo ka soo qaybgalay  Maayirada Magaalooyinka Oog iyo Garadag  , Xildhibaano , Qurbo Joog, Cuqaal, Guddida Dhismaha Wadan, Haween iyo Dadweyne aad u tiro badan .

 

Guddoomiye ku xiggeenka Guddida Mashruuca dhismaha wadada Oog-Garadag  Maxamed Jamac Cali oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta arko in si rasmiya loo bilaabay dib u dhiska wadada Oog-Garadag oo uu sheegay in tahay wadadii ugu horeysay ee ay dadka degaankubilaabaan iyaga oo ka qaybqaadanaya dib u dhiska dalkooda ,waxaanu xusay inay ku rajo weyn yihiin in 10 Mile ee ugu horeeyaa ay si dhakhso ah ku dhamaadaan,isagoo intaas raaciyay in Mashruucan oo ku kacaya 5.4 shan milyan iyo Afar  boqol oo kun oo dollar.

 

Maxamed Jamac Cali waxa uu ka codsaday dadka ka soo jeeda deegaanka Oog  iyo cid kasta oo jecel in ay wax ku darsato wadadan in ay deg deg u soo gudbiyaan.

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaano qaar  ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Ee Somaliland isla Markaana ka tirsan Guddida Dib U dhiska Wadadan waxaana ay  sheegeen  in wajigani uu yahay wajigii labaad ee wadada, kaas oo ku saabsan sidii loo shaaci lahaa bilowga wadan, isla markaana loo guddoomi lahaa deeq lacag ah oo ay iska soo ururiyeen dadka  ka soo jeeda deegaanka wadadan laga dhisayo ee dagan dacalada a duunka..

 

Maxamed Jamac Cali waxa kale oo uu tilmaamay in wadan loo qorsheeyey ina ay marto saddex marxaladood oo kala duwan, isagoo gabagabadiina xusay in waddooyinku ay yihiin bilowga horumarka . Maayirka Degmada oog  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay ka dawlad hoose ahaan intii taagtooda ah ay ka qaadan doonaan wadadan, isagoo geesta kalena u soo jeediyey qurbo jooga u dhashay deegaanka Oog in ay si hufan uga qayb-qaataan dhismaha wadadan .

 

Odayaal ku hadlay afka degaanka  ayaa xusay in ay wadadani ay tahay mid ay wada leeyihiin shacabka Somaliland Mustaqbalkana ay noqon doonto mid ka qayb-qaadata Ganacsiga iyo Isku xidhka Gobolka Sanaag iyo Saraar . Marwo Faadumo Faarax oo ku hadlaysay afka Haweenka ka soo jeeda deegaanka Oog  ee ku nool magaalada Caynaba ayaa sheegtay in qurbo jooga iyo dadka u dhashay deegaanka ay wadadani marayso ay ka qayb-qaataan sidii ay wadadani u hir gali lahayd iyadoo gabagabdiina Guddida dib u dhiska wadada cad ku wareejisay lacag dhan laba iyo konton kun oo dollar,oo ay haween ahaan ugu talo galeen in ay kaga qayb-qaataan wadadan, iyadoo geesta kale intaasi raacisay in aanay deeqdan lacageed ee ay ugu talo galeen in ay kaga qayb-qaataan wadadan aanay noqon doonin tii ugu danbaysay.

 

 Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah qurbo jooga ka soo jeeda deegaanka  Oog ee ku nool wadamada Norwey iyo Ingiriiska , iyo marti sharaf kale waxaana ay dhamaantoodba ay hoosta ka xariiqeen qiimaha ay leedahay wadadani iyo sida ay u mudan tahay in looga qayb-qaato.

 

Munaasibadaasi lagu shaacinayey bilowga dhismaha wadada cad waxa shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey dadkii ka qayb-qaatay dhismaha wajiga hore ee wadadan.

 

 Abdi  Maxamded Cige

 

seed11@hotmail.co.uk
Â