WAR CULUS :Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Xukuumada Siilaanyo Ka Dalbaday In Ay Faahfaahin Ka Bixiso 3 Muwaadin Ee Ay U Gacangelis​ay Dowlada Jabuuti

Waddani logoHargeysa(SM) Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ee Waddani  Mudane Mustae Qodax Ayaa Xukuumada Axamed Siilaanyo Ka Dalbaday In Ay Deg Deg Bulshda Ugu Soo Bandhigto Muwadiniin Reer Somaliland Ah Oo Ay U Gacangelisay Dowlada Jabuuti Kuwaas Oo Si Qarsoodiye Loogu Gacn Geliyey Ciidamada Jabuuti.

 

 

Sidaasi Xogahayuhu  Wuxu Ku Sheegay Shirjaraa’id Oo Uu Maanta Ku Qabtay  Xafiislkisa Magaalada Hargeysa Waxanu Yidhi “

 

Waxa Aan Halkan Isu Soo Taagay  Maado Oo Aan Ahay Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga WADDANI In Aan Kelmada Yar Ka Idhaahdo Arin Aad Ugu Mihiim Ah  Oo Khusaysa Aminga Qarankeena Waxa Shalayto Ilaa Daraato Ku Soo Baxayey Saxafadeena In Muwaadiniin Reer Somaliland Ah  Oo Ku Eedaysan Argagexiso Kumanaan Aqoonin In Aya Dabiilayaay Ilaa Laga  Qaaday Dalka Oo Loo Gacangeliyey Jabuuti “Ayuu Yidhi Qodax

 

“Wey Fiicanatahay In La Ilaaliyo Amniga Gudaha Iyo Ka Dalalka Inala Jaarka Ah Oo Aynu Fure U Nahay Mandaqada Somaliland Inbadan Ayey Ku Faanaysay  In Ay Nabad Tahay Isla Markaan Ay Fure U Tahay Dalalka La Jaarka Ah Amaankooda Waanaynu Ku Dadaali Doonaa Ka Gaar Ahaan Ka Xisbi Ahaana Wey Naga  Go’antahay In Aanu Arinkaa  Xoojino Wax Kasta Oo Aminga Qaranka Wax Yeelayana Waanu Kala Shaqay Naynaa Xukuumada .” Ayuu Yidhi Mudane Qodax

“Waxa Aanu Codsanaynaa Waxa Weeyey In Arintaasi Ma Faah Faahsana Sida Loo Dhigay Amase Wararka Soo Baxayaa Ay Sheegayaan Waxa Aanu Xukuumada Ka Dalbanaynaa Qarankan Amnigiisu Wuu Ina Wada Khuseeyaa  Lakiin Idinkaa Maata Taladii Dalka Gacanta Ku Haya In War Intaas Ka Faah Faahsan Oo Ku Saabsan Xubnahaas Ay Sheegto.

 Runtii Arintaasi Waxa Ay Tahay Mid Xaasaasiya In Loo Soo Gudbiyo  Oo Bulshada  Loo Sheego Dadka Arintaasi Sida Ay Tahay Sababta Loogu Gudbiyey Jabuuti Inagoo Qaran Ah I  Iyo Dadkaasi Waxa Ay Yihiin Ma Muwaadiniinbaa  Ma Dad Meelo Kale Inagaga Soo Galaybaa .Waxanay Runtii Wax  Tari Hadii La Sheego Aminga Gudaheen .

Muwaadiniintu Waxa Ay Marwalba U Taaganyihiin In Wixii Amniga Waxyeelaya Ay Kala Shaqeeyaan Xukuumada Kumana Filna Xukuumadu In Ay Aminga Keligeed Ka Shaqaysaa Hadaanay La Shaqayn Xisbiyada Mucaaradku  Iyo Shacabku” Ayuu Yidhi Mustafe Qodax

Gebagebadii Waxa Uu Yihdi Mustefe Qodax”Hadaan Shacabka Reer Somaliland Caawinin Kuma Filna In Ay Aminga Sugto Geligeed Sidaa Daraadee Mawqifkayagu Waxa Weeye  Dadlku Ka Sugaa In Aad U Cadayso Sadexdeed qof waxa aya ahayeen iyo Sababta loogu dhiibay Jabuuti”

Salaanemdia/Hargaysa