War-saxaafadeed: Guddoomiyaha KULMIYE Oo Hambalyeeyay Shirka AFGARAD 3 Ee Ka Socda Balligubadle

image

(SM-Hargeysa) – Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Hambalyeeyay Shirka beesha ARAB ee Afgarad 3, kaasi oo maalintii saddexaad ka socda Degmada Balligubadle.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi
War-saxaafadeed uu goor dhawayd soo saaray ayaa u dhignaa sidan:-

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILANS

(KULMIYE)

Address: Jigjigayar, Ibrahim Kodbur District, Hargesia Somaliland.

Tell: 00252-2-527883.

Mobile: 00252-2-4134891

Email:kumiye_party@hotmail.com/Website: www.kulmiye.com/www.kulmiye.org

REF: XK/GX/004127/2014 Date: 12/06/2014

HAMBALYO

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shirka Afgarad saddex ee ka qabsoomay Magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd , waxaan rejaynayaa inuu ku dhamaado bash-bash iyo barwaaqo, waxaan kaloon u rejaynayaa inay ka soo bixi doonaan go’aamo anfaca diinta, dalka iyo dadkaba.

Mud. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye