Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

image

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa sheegaya in Magaaladaasi uu saaka ka dhacay qarax khasaaro ugeystay askar ka tirsan Maamulka Puntland.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafada Garsoor, waxaana lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamada ammaanka Magaalada Gaalkacyo qeybta Waqooyi.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Qaraxaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo gaaray ciidamada, waxaana dhaawacmay labo kamid ah ciidamadii qaraxa miinada lala eegtay.

Labada askari ee qaraxaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo, mid kamid ah Askarta dhaawacantay ayaa aad uliita xaaladiisa caafimaad.

Ciidamada ammaanka Magaalada Gaalkacyo qeybta Waqooyi ayaa qaraxa kadib waxa ay bilaabeen baaaritaano ay ku baadigoobayaan cidii ka dambeysay qaraxaasi.
Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin qaraxaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee lala eegtay askarta.

Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay meelaha ugu bada ee ay ka dhacaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Magaaladaasi ka dhaca.

Salaanmedia/Mogdisho