Wariye Yuusuf Keynaan oo lagu aasay Qabuuraha Iskuul Buluuziya ee Muqdisho

image

Allaha unaxariistee waxaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan) oo saaka qarax miino oo gaarigiisa lagu soo xiray lagu dilay.

Aaska Wariyaha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wariyeyaal aad u badan, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Qeybo kamid ah shacabka Muqdisho, waxaana lagu aasay Qabuuraha Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo Saxaafada kula hadlay goobta Wariyaha lagu aasaye, ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay dilka loo geystay Wariye Yuusuf Keynaan.

Wasiirka ayaa balan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii loo baari lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Wariyaha si sharciga loo horkeeno.

Wariyeyaashii ku sugnaa madasha aaska ayaa kawada tacsiyadeeyay geerida Yuusuf Keynaan, waxaana ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay baaritaano badan arintaan ay ku sameyso.

Allaha unaxariistee Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan ayaa saaka ku geeriyooday qarax Miino oo lagu xiray gaarigiisa, xili uu maraye Degmada Xamarweyne, gaar ahaan meel udhaw Hoteelka Muna ee Magaalada Muqdisho.

Majirto cid sheegatay masuuliyada dilka ah ee Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo la shaqeynaye Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho.

Salaanmedia/Mogdisho