Wasaarada Xanaanada Xoolaha Oo Sheegtay In Ay Soo Celin Doonto Seerihii Qoolcaday Iyo Aroori Si Loo Isticmaalo Jilaalka Xoolahana Loogu Xananeeneyo.

image

Hargaysa (SM)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha DR CABDI AW DAAHIR ayaa shaaca ka qaaday inWasaarada Xanaanada Xoolaha soo celin doonta seerihii QOOLCADAY iyo AROORI si loo isticmaalo Jilaalka xoolahana loogu xananeeneyo.

dhanka kalena waxaa jira dad badan oo dhul si sharci darro ah u oota oo dhibaato ku haya xoolo dhaqatada haddaba Xukuumadda ayaa Shaacisay In Sharciga La Marin Doono Cidii Xidhata Dhul-daaqsimeedka dalka Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay inay sharciga la tiigsan doonaan dadka caadaystay inay qabsadaan dhul-daaqsimeedka seereyaasha ah ee la wada leeyahay.

Waxaanay tilmaantay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto sidii loo daryeeli lahaa deegaanka loogana hortegi lahaa nabbaad-guurka, waxaanay xustay in ay baarlamaanka ka wadda shaqayn doonaan ilaalinta deegaanka. Shugri Xaaji Baandare, waxay sidan ka sheegtay mar ay shalay warbaahinta kula hadlaysay xarunta golaha baarlamaanka, ka dib kulan ay la yeelatay gudi hoosaadka golaha wakiilada ee ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. Wasiir Shugri Baandare oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waanu ku baraarugsanahay mashaakilka yaala dalka ee maalinba maalinta ka sii danbaysa sii kordhaya ee ah xaalufkan lagu hayo deegaanka, waxyaabaha aan soo saarnay waxa ka mid ah in wacyigelin badan aanu samaynay, oo aanu la hadalnay degmooyinka iyo goboladii, oo madax dhaqameedyadii aanu la hadalnay in xaalufkan taagan waxa lagala qabto wasaarada ku shaqada leh oo shicibka ay ka timaado lahaansho, oo ay dareemaan shicibku in iyagu leeyihiin deegaanka haddii qofka muwadinka aanu dareensanaan inuu leeyahay deegaankan taasaa mashkilada”.

Wasiirku waxa kale oo tilmaantay in ay golaha baarlamaanka ka wadda shaqayn doonaan waxyaabaha khuseeya deegaanka, “Waxaanu ku rajo waynahay in aanu ka wada shaqayno xukuumadda ahaan baarlamaanka iyo gobolada wax badan oo khuseeya deegaanka madaxda goboladuna si wayn ayay noo la shaqeeyaan hadaanu nahay wasaaradda deegaanka ama seeraha la xidhay ha ahaadaan ama ugaadha sida sharci darsada loo ugaadhsanayo ha ahaato anagana hawl wayn ayaa noo taala, la wada daaqi jiray ee ummadda ka dhexeeya soo ma qaldana ninka xidhay ta labaad ka qaadayna anaguna waxaan aloo baahan yahay in meel looga soo wadda jeedsado ayaa loo baahan yahay mar ka deryaalka deegaanka laga hadlayo” ayay tidhi marwo Shugri Baandare.

Shugri Baandare waxa kale oo ay sheegtay in sharciga la marin doono cidii xidhata seeraha dadku wadda leeyahay, waxaanay tidhi “Dalku sharci ayuu leeyahay waana la isla tiigsanayaa anaguna sharci ayaan ku shaqaynaa la yidhaahdo 498 waxaanu xaaraantimaynayaa wax faro badan, dadkuna waxay caadaysteen in aanay sharciga u hogaansamin, markaa sharciga lagu dabaqo ee la soo qabto ee lagu xidho way u hogaansamanayaan laakiinse waxa ka sii qurux badan ileen muwaadin ayaad tahay in la isku xil qaamo oo la garto wixii qalad kugu ah iyo wixii sax ku ah seeraha la xidhay ee dalku leeyahay”.

 

Abdirahman Bidhan Dahir

MIDA communication and media consultant Ministry of Livestock