Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya oo khudbad ka jeediyay Shirka Wadamada Carabta & China (Daawo Sawirada)

image

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa Khamiistii khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Fadhigii 6-aad isku-imaatinka Carabta iyo China oo shalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Beijing ee Caasimadda China, iyadoo furitaankiisa uu hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga China H.E. Xi Jinping, waxaana ka qeybgalay Wasiirada arrimaha dibadda carabta, xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta H.E. Dr. Nabil Elaraby, ergo, diblomaasiyiin iyo mas’uuiyiin Carab iyo Chinese isugu jiray oo tiradooda aheyd 200 ruux.

H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa khudbadiisa ku xusay fursadaha maalgashi ee dalka Soomaaliya ka banaan dhinacyada beeraha,kaluumeysiga, warshadaha,dalxiiska, iyo kheyraadka kale ee dihan ee dalku leeyahay, isagoo ka hadlay xaaladda ammaan iyo awoodda ciidamada qaranka, waxa uuna ka codsaday dowladda China iyo wadamada Carabta taageero balaaran oo ku aadan la dagaalanka argagaxisada,dib u dhiska dalka, waddooyinka, garoomada diyaaradaha iyo dekadaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay dhibaatooyinka kooxaha argagaxisadu ay ka geysanayaan dunida carbeed oo Soomaaliya ay ka qeyb tahay, isagoo muujiyay baahida loo qabo tallaabo wadajir ah oo loo qaado ciribtirka argagaxisada iyo saboolnimada si loo helo deganaansho iyo horumar dhaqaale.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka, ayaa lagu ammaanay dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xasilineyso dalka iyo horumarka ay ku talaabsatay muddooyinkii u dambeeyay, waxaana loogu baaqay beesha caalamka inay taageero muuqata u fidiyaan hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya si guul dhameystiran looga gaaro arrimaha ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

Shirka Madaxweynayaasha iyo hogaamiyaasha Carabta iyo China, ayaa lagu wadaa inuu ku qabsoomo dalka Masar sanadka 2015.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda Qatar H.E. Dr. Khalid bin Mohamed Al-Attiyah iyo Sultanate Oman H.E. Yousef bin Alawi bin Abdullah, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo ku qotama danaha wadaaga.

Dr. Abdirahman D. Beileh waxa kale oo uu kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta H.E. Dr. Nabil Elaraby oo ay isla faaqideen xaaladaha ammaanka iyo kaalinta Jaamacada Carabta ee fududeynta kaalmooyinka maaliyadeed, farsamo iyo bani’aadanimo oo Soomaaliya loogu tala-galay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, si indhaha caalamka ay ugu soo jiheyso isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaa.

Salaanmedia/Mogdisho