“Waxaa Dhab Ah In Waddooyinka Dalka Aanu Uugu Kala Badinayno Hadba Sida Wadooyinku U Kala Muhiimsan Yihiin”Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md:Xirsi Xaaji Cali Xasan.

wasiir xirsi

“Waxaa Dhab Ah In Waddooyinka Dalka Aanu Uugu Kala Badinayno Hadba Sida Wadooyinku U Kala Muhiimsan Yihiin”Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa(SM)June.07.2014-Wasiirka Wasaarada Madaxtoyada Somaliland Md:Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa waxa uu sheegay in wadooyinka laga wado gudaha dalku ay yihiin bilowga horumar baaxadleh oo uu dalku ku talaabsanayo,waxaaana uu carabka uu ku dhuftay in Shacbiga reer somaliland ee kaa shanaya Xukuumada ay hirgalin doonaan guulo horleh oo muftaax u noqda in wadanku uu barwaaqo gaadho.
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland ayaa hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bogiisa uu ku lleeyahay internetka ee barta facebook-ga,waxaana uu ka dareen celiyey wadadii maalintii khamiistii uu u ku tagay kormeerka isaga oo sheegay in wadooyinka dalka oo dhan ay u kala hormarin doonaan sida ay ukala muhiimsan yihiin iyo istiraajiyada dalku uu ka leeyehay.
Waxaana uu qoraalkiisu u dhignaa sidan:
“Waxaanu Uugu Kala Badinaynaa hadba Sida Wadooyinku U Kala Muhiimsan Yihiin Iyo Istaarjiyada Dalka Uu Ka Leeyahay sidoo kale waxaanu uugu kala badaniaynaa sida Dadku U Kala Dedaalaan”

“Hadii ay waddadu tahay mid dhaqaale ama nabadgelyo,xukuumadu awooda ayey saari doontaa sidii loo hirgelin lahaa., hadiiba ay waddadu tahay mid ay bulshadu dedaashay., waa siyaasadii dawlada oo waanu dhiiri gelinayaa , waxna waanu la qabanaynaa”

Waxay ahayd shalay kadib markaan booqasho iskugu jirta dardar galin, indho buuxin iyo taageero u muujin uugu tegnay hawl-wadeenada gacanta ku haya jidka dhawaan hirgalintiisa laga bilaabay Baligubadle

Waxaa hubaal ah in dhamaan waddooyinka dalkeena ka socda ay yihiin bilowga horumar baxaaad badan oo dalkeenu gaadho, waxaan hubaa in awooda dadkeena oo kaa kaashanaysa xukuumadooda u dhago nugul horumarku ay xaqiijin doonaan guulo hor leh oo muftaax u noqota barwaaqo dalkeenu gaadho.
Sidii aanu horay u balan qaadnay anagoo ka duulaynaa siyaasada Madaxweynaha qaranka ee ku aadan dhiirigalinta dareenka iskaa wax u qabso in aanu isbarbar taagayno waddo kasta iyo guud ahaanba horumar kasta oo bulsho bilowdo

Waxaa dhab ah in waddooyinka dalka aanu uugu kala badinayno hadba sida Wadooyinku u kala muhiimsan yihiin iyo Istaarjiyada dalka uu ka leeyahay iyo sida dadku u kala dedaalaan”
Hadii ay waddadu tahay mid dhaqaale ama nabadgelyo, xukuumadu awooda ayey saari doontaa sidii loo hirgelin lahaa.
Hadiiba ay waddadu tahay mid ay bulshadu dedaashay., waa siyaasadii dawlada oo waa la dhiiri gelinayaa , waxna waa lala qabanayaa.

Waxaan gacantiina hada ku soo wareejiyey lacag dhan $100,000 USD “Boqol kun oo doolarka Maraykanka ah” oo ah deeqdii xukuumada ee wajiga koobaad, marka aad toban kilo mitir “10km” aad samaysaanba shan kiiloo mitir “5km” baanu ku daraynaa.

Waan idiinku hambalyeynaa sida aad dhexda uugu xidhateen hirgalinta jidkan muhiimka ah waayo sidaan wada ognahay Horumarku wuxuu kuu jiraa hadba inta jidka kuu jiro.

Guud ahaan shacabka reer Somaliland ee meel ay jooganba dhismaha dalkooda u heelan waan ku bogaadinayaa damiirkooda gartay in biyo sacabadaada lagaga dhargo,

Dalkeenu ha Guulayso, Dadkeenuna Gobonimo ha ku nooladaan
Wa BIlaahi Tawfiiq.

10414573_736251436439405_4676216484052052209_n