“Waxaan Booqan Doonaa Gobolka Salel Oo laga Hirgelin doono Jid Isku xidhaya Saylac iyo Jabuuti oo dawladda Turkigu noogu balan-qaaday. ” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland. +Sawiro

image

 

(SM-Hargaysa)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay weheliyaan Wasiirrada Qorshaynta iyo dib u dejinta, ayaa maanta gaadhay dalka Jabuuti oo ay socdaal shaqo ku joogaan.
Wasiir Xirsi ayaa si kooban ugaga hadlay ujeedada socdaalkooda, sida uu ku daabacay bartiisa xidhiidhka bulshadda ee Face-book-ga.

“Maanta Abaaro 2:30 Duhurnimo ayaan ka soo ambabaxnay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Hargeisa.Safarkan ayey igu wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr, Sacad Cali Shire iyo sidoo Kale Wasiirka Dib-u-Dejinta JSL Mud, Axmed Cabdi Kaahin. Guud ahaan safarkan ayaan noqon doona mid shaqo halkaas oo aan kulamo kula qaadan doono Masuuliyiinta Dalka aynu jaarka nahay ee Jabouti,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.
Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay inay booqan doonaan degmadda Saylac, halkaasi oo ay kormeeri doonaan jid isku xidha doona Saylac iyo Jabuuti oo uu tilmaamay in dawladda Turkigu ay hore ugu balan-qaaday inay dhisi doonto, waxaanu yidhi “Sidoo kale waxaan safar ku tegi doonaa Degmada Saylac ee Caasimada Gobolka Salel halkaas oo aan kormeer ku samayn doono jid ay hore noogu balan qaaday Dawlada Turkey-ga kaasi oo isku xidhi doona Degmada Saylac iyo Jabouti.

Alxmadulilah, hada waxaan ku suganahay Caasimada dalka Jabouti ee Jabouti annagoo nabad iyo caafimaad qabna.”

Salaanmedia/Hargaysa