‘WEERARKA KENYA WAXAA HOGGAAMINAYAY NIN CAD OO SI FIICAN UGU HADLAYA AF INGIRIIGSI… 60 QOF AYAA KU DHIMATAY WEERARKA’

image

Nayrobi (SM) – Dadka ku dhaqan magaaladda Mpeketoni oo ka tirsan waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in nin cadaan ah oo sida dadka u dhashay ugu hadlaya Af Ingiriisigu hoggaaminayay weerarkii habeenkii dhaweyd lagu soo qaaday oo ay ku dhinteen 60 qof.
Warbixino laga diyaariyay weerarkan oo laga soo xigtay dad kala duwan oo habeenkii la weeraray ku sugnaa Mpeketoni ayaa cadeeyay in kooxda Weerarka fulisay ee Kamaandowsta ahayd uu hogaaminayay nin Cadaan ahi oo luuqadaha Ingiriiska iyo Af Carabigaba ku hadlayay.

Nin macalin ka ah dugsi hoose oo ku yaala magaaladdaas oo isaga laftiisu kaga fiican dadka deegaankaasi Luuqadda Ingiriisida ayaa sheegay in koox si addag u tababaran ay ahaayeen.”Waxaan arkayay nin cad oo si fiican ugu hadlaya Ingiriisida oo amrayay inta kale ee kooxda “ayuu yidhi Mary Gachoki.

Weerarkan oo ka mid ahaa kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaasi ayaa waxaa kale oo dadka laga waraystay ka mid ah haweenay diiday in magaceeda la sheego oo tidhi sidan. “Waxaa ku jiray nin cad oo kala dirayay kooxda si ay u laayaan wax” “Waxaan arkayay isaga oo awaamiirta siinaya, waxaana uu si fiican ugu hadlaya Ingiriisi inta badan in kasta oo uu marmar adeegsanayay Carabi.”ayay tidhi

James Mwangi oo isna marag ka ahaa dhacdadan ayaa sheegay in uu la hadlayay saaxiibkii markii xabadii ugu horeysay dhacday. “Waxaan arkay koox hubaysan oo isu qaybisay unugyo, qaarkoodna u dhaqaaqeen dhinaca saldhiga booliska, kuwo kalena u dhaadhaceen suuqa iyo baanka” Ayuu yidhi waxaana uu raaciyay “Dhamaan waxaa kala hagayay nin cad oo reer galbeed ama carab ah,”

Sidaas oo ay tahay, warkan looma qaadan karro siddiisa sababtoo ah, waxaa markii la weeraray Xaruntii Westgate ee Nayroobi bishii September dad ku doodayay inay arkeen haweenay cadaan ah oo maamulaysay weerarka taasoo loo qaatay haweenayda lagu naanayso Carmasha cad ee Ingiriiska ah oo la aaminsanyahay inay la shaqeyso Al-Shabaab, balse warkaas waxa beeniyay sawiradii laga daawaday Kamaradaha qarsoon.

Si kastaba ha ahaatee, Benson Maisori, oo taliye ku xigeenka Gobolkaas ee ciidanka ah ayaa ku dooday in aanu jirin nin cad oo hoggaaminayay kooxdan, waxaana uu intaas ku daray in uu u malaynayo ninka dadka deegaanku ku qaldayaan Nin Jarmal ah oo isaga iyo Xaaskiisuba deganyihiin Mpeketoni.

Weerarkan hore waxa xigay weerar kale oo isna lagu qaaday tuulo xeebaha waqooyi bari ee Kenya uun ku taala habeen ka dib, taas oo ay ku dhinteen ilaa 15 ruux. Waxaana weeraradani xaalad siyaasadeed ka abuureen ka sokow amaanka dalka Kenya iyo xataa waddamada ku dhaw.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Hubaal