Mursal Ciise oo loo doortay madaxda xisbiga Miljöpartiet
Mursal Ciise ayaa lagu yaqaan in uu ka mid ahaa qabanqaabiyaashii Kooxda ciyaartoyda Bandy ee ka qeyb gashay Ciyaarihii Ruushka isla markaana uu ka tirsanyahay ururka ABF ee Borlänge isagoo mudo dheer Soomaalida halkaas ku nool ka caawinjiray arimaha la qabsiga wadanka.
Mursal oo ka hadlaya jakada loo doortay ayaa yiri “Waa mid weyn oo waxaan rajaynayaa in aan si wanaagsan u qabto kalsoonida la i siiyay. Waxaan aad u xiisaynayaa in aan ku shaqeeyo heer qaran oo waxaan ahay mid jecel in uu wax barto”.
Xisbiga Miljöpartiet ayaa ah mid ay soo galootigu aad ugu firfircoonyihiin isla markaana ah xisbi siyaasadooda ay ku dhisantahay soo dhaweynta qaxootiga. Waxay sanadihii la soo dhaafay doorweyn ka qaateen arimihii mideynta qoysaska Soomaalida, iyagoo doorka ugu weyn ku lahaa in la furo mideynta waalidiinta iyo caruurta.
Salaanmedia/London
Xigsho Somaliska