Xildhibaan Dalxa oo sheegay in Gobalka Sh.hoose ay Dagaal ka wadaan dad aan Gobalka udhalan

image

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa wuxuu ka hadlay Dagaalada Gobalka Shabeelaha hoose ee salka ku haayo Qabiilka una dhaxeeya labo beelood oo halkaasi wada daga, kaasi oo muddooyinkaan dambe xiisadiisa ay ka taagneyd Gobalkaasi.

Isaga oo la hadlaye Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa Xildhibaanka wuxuu sheegay in Gobalka Shabeelaha Hoose dagaal iyo dhibaato ay ka wadaan dad aan udhalan Gobalka sida uu sheegay oo ka yimid deegaano kale oo Gobalka aan aheyn.

Wixii ka dambeeyay gumeysigii Talyaaniga markii laga xuroobay ayuu sheegay Dalxa in Gobalkaasi dhibaato ay ka bilaabatay, waxaana amuuraha la isku hayso uu ku tilmaamay Kheyraadka kala duwan ee Gobalkaasi ka buuxa.

“Dadka Gobalka udhashay dhibaato ayaa lagu haayaa, dad aan Gobalkaasi udhalan ayaana dhibaateynayaa oo kheyraadka iyo nimcada kala duwan ee Gobalka taalo ku haysta”Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Waxa uu dhanka kale sheegay Xildhibaanka in mid kamid ah Beelaha Gobalka isku haysta ay taageero buuxda helayaan, taasina ay muujinayso in lagu taageerayo dulmiga uu sheegay in Gobalkaasi ay ku hayaan, inkastoo uusan cadeyn cida ay ka helayaan taageerada.

Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaa ku dagaalamaya Beelaha Habargidir iyo Biimaal oo ku dagaalamaya lahaanshaha dhulka, halka qolo waliba ay sheegayso in Gobalka ay u dhalatay.

Guddoomiyaha Magaalada Marka oo dagaaladaasi qeyb ka ah, ayaa shalay oo Tallaado aheyd, wuxuu ka dhawaajiyay inuusan jiri doonin wax wadahadal ah oo laga galayo arimaha dagaalka, xitaa Gor-gortan majiro ayuu yidhi.

Salaanmefia/Mogdisho